Villa Somalia oo markii ugu horeysay xaqiijisay inay muddo kordhin dhici karto

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii u horeysay sheegtay inay dalka ka dhici karto muddo kordhin ay si adag uga digeen saamileyda siyaasadu, taasi oo horseedi karta qalaalase siyaasadeed oo hor leh.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka qeyb galay dood ay qabatay idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa sheegay in muddo kordhin dhowr bilood oo farsamo ah ay dhici karto.

Cabdinuur ayaa ka dhawaajiyey in muddo kordhintaasi ku iman karto wax uu ku sheegay ‘cilado farsamo oo dhanka qabashada doorashada ah’, xili la filayo in dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu ay ka arrinsadaan nooc doorasho oo ka dhacda dalka, taasi oo looga baaqsanayo muddo kororsiga ay ku howlan tahay Villa Somalia.

Agaasimaha ayaa xusay in muddo kordhintaasi ay noqon karto labo ama saddex bilood, iyada oo la rumeysan yahay in Farmaajo uu rabo muddo intaasi ka badan, wallow aan la ogeyn sida uu qorshaha Villa Somalia u hirgeli doono, iyada oo si weyn uga soo horjeedan saamileyda siyaasadu.

Sidoo kale waxa uu carabaabey in muddo kororsigaasi uu sheegay uusan aheyn wax cusub, balse uu hore u dhici jiray xukuumadihii ka horeeyay Farmaajo, waa sida uu hadalka u dhigay Agaasimuhu.

“Muddo xileedka madaxweynuhu waa afar sano, doorashaduna waa inay dhacdo afar sano oo kasta. Way dhici kartaa in cillado ay sababaan dib u dhigis labo ama saddex bilood ah, horayna taasi way usoo dhici jirtay” ayuu yiri Agaasime Cabdinuur.

Hadalka Agaasimaha ayaa imanaya xili si weyn looga digay muddo kororsi, kaasi oo la rumeysan yahay inay wado Villa Somalia oo uu hormuud u yahay Farmaajo, isla markaana galaafatay ra’iisal wasaarihii dalka, Xasan Cali Kheyre, oo dhawaan xilkaasi uu ka tuuray Baarlamaanku