Villa Somalia oo war ka soo saartay is-beddelka lagu sameeyey ururka IGAD

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shir-Madaxeedka joogtada ah ee 13-aad ee IGAD ayaa soo dhaweeyey qorshaha dib u habaynta Urur Goboleedka IGAD oo ay isku raaceen Madaxda ka soo qeyb gashay meertadan.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “dowladda federaalka Soomaaliya oo garowsanayd fursadaha horumarineed, iskaashi iyo ganacsi ee muhiimka ka dhigay dib u eegid lagu sameeyey qaab-dhismeedka Ururkan, waxa ay mar kasta u olaleynaysay in IGAD ay noqoto madal ka soo dhalaasha himillada ay ku qabaan shucuubta Gobolka, kana tarjunta dhammaan danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dowladaha ku mideysan.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhinaca kale u hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub ee Urur Goboleedka IGAD Mudane Cabdalla Xamduuk oo ah Raiisul Wasaaraha dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan.

Go’aanka lagu doorto Xamduuk, oo ku dhisnaa heshiis ay gaareen dhinacyada, ayaa loo arkaa mid xal ah oo xilkan looga dhex bixiyey dalalka Kenya, Jabuuti, iyo Somalia oo aad isugu hayey.

Caasimada Online ayaa shalay qortay khilaaf u dhaxeeya Jabuuti iyo Kenya ay hoggaamin karto in labadooda iyo Soomaaliya-ba, ay ku waayaan in madaxdooda ay beddelaan guddoomiyaha xilka ka degay ee Abiy Ahmed.

Soomaaliya iyo Jabuuti, oo aad uga soo horjeeday in hoggaanka ururka ay qabato Kenya, ayaa diiday inay mowqifkooda beddelaan.

Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk ayaa waxa uu xubin muhiim ah ka ahaa Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee Jamhuuiryadda Federaalka Soomaaliya kahor intii aan loo magacaabin Xilka Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Suudaan.

Sidoo kale, Madaxweynhuhu waxa uu soo dhaweeyey magacaabista Xoghaya Guud ee IGAD Mudane Workneh Gebeyehu, waxa uuna adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhaw ula shaqaynayso hoggaankan cusub, si loo gaaro hiigsiga muhiimka ah ee ururkeenna iyo arrimaha hortabinta u leh awood-siinta Gobolka.