Wararkii ugu dambeeyey ‘weerar argagixiso’ oo ka dhacay magaalada London

London (Caasimada Online) – Weerar mindiyeyn ah, oo boolisku ay sheegeen inuu ahaa weerar argagixiso xiriir la leh, ayaa maanta ka dhacay buundada magaalada London.

Booliska ayaa sheegay in loogu yeeray weerarkan abaare 2-dii duhurnimo.

Dhowr qof ayaa la tooreeyey, waxaana muuqaallo lasoo duubay ay muujinayeen dhowr qof oo weeraraya ninka la rumeysan yahay inuu yahay kan weerarka mindida soo qaaday.

Booliska oo kadib goobta soo gaaray ayaa toogtay oo dilay ninkii weerarka soo qaaday.

Laba qof oo shacab ah ayaa weerarka lagu dilay, ayada saddex qof oo ka mid ahaa dadka la tooreeyey ay sidoo kale dhaawac yihiin.

Ka hor inta aan la toogan ninka weerarka soo qaaday, ayaa qof ka mid ah dadkii isku dayey inay ka hortagaan, waxaa uu ka qaaday mindidii.

Ra’iisul wasaare Boris Johnson ayaa sheegay in lagu soo war-geliyey dhacdadan waxaana uu joojiyey olole doorasho oo ka waday deegaan doorashadiisa oo ah Uxbridge, isaga oo dib ugu soo laabtay Westminster.

Weerarkan ayaa yimid toddobaadyo kadib markii hoos loo dhigay heerka halista argagixiso ee UK.

Waxa uu sidoo kale weerarkan imanayaa laba sano iyo bar kadib weerarkii argagixiso ee ka dhacay Buundada London, halkaasi oo 3 nin ay ku dileen 8 qof, islamarkaana ku dhaawaceen 48 kale.