Villa Somalia oo war kasoo saartay shirka Afisyooni

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay shirka wada-tashiga ee Afisyooni, kaas oo u dhexeeyo dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Villa Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha Soomaaliya uu guddoomiyey kulan gaar ah oo hordhac u ah shirka qaran ee dhammeystirka arrimaha doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 ee ay ansixiyeen xildhibaanada baarlamaanka.

Sida lagu shaaciyey qoraalka waxaa shirkan ka qeyb galay ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) , Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), HirShabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawqe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Villa Soomaaliya laguma soo hadal qaadin madaxda Jubbaland iyo Puntland oo aan weli tegin hoolka Afisyooni oo uu shirku ka dhacayo.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in labadaasi hoggaamiye oo si weyn uga soo horjeedo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka cabanayaan hannaanka loo maray shirkan oo ah mid xasaasi iyo ballamo ay sheegeen in looga baxay.

Si kastaba arrintan ayaa uga sii dareyso xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka xoogan ee hareeyey doorashooyinka Soomaaliya ee sanadkan 2021-ka.