Wararkii ugu dambeeyey ee shir xasaasi ah oo u socda Madasha Badbaado Qaran

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar madax bannaan oo aan heleyno ayaa sheegaya in Madasha Badbaado Qaran oo dhawaan looga dhawaaqay Muqdisho ay shir ku leeyihiin gudaha xerada Xalane, lana filayo iney la hadlaan saxaafadda.

Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yahiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland (Axmed Madoobe) iyo (Saciid Deni) oo ay ku lamaanan yahiin midowga musharaxiinta iyo siyaasiyiinta gobollada Waqooyi oo uu horkacayo gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhawaan Muqdisho looga dhawaaqay, waxeyna gabi ahaan kasoo horjeesteen shirka uu ku baaqay Farmaajo ee saakay ay soo xaadireen maamullada taageersan dowladda iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday.

Warbaahinta madaxa bannaan ayaa looga yeeray xarunta uu shirka uga soconayo madasha Badbaado Qaran sida ay ilo wareedyo halkaas ku sugan sheegeen, waxeyna doonayaan iney saxaafadda la hadlaan kana hadlaan waxa ku saabsan shirka teendhada Afisyooni iyo waxa ay ku diidan yahiin.

Puntland ayaa xalay war qoraal ah oo ay soo saareen ku diiday ka qeybgalka shirka la sheegay inuu ka dhacayo teendhada Afisyooni maadaama sida ay sheegeen aysan ku qancin ajandaha Shirka oo xalay baraha bulshada lasoo dhigay.

Diidmada Puntland iyo Jubbaland ayaa imaaneysa xilli beesha caalamka iyo dowladda Mareykanka ay shalay si adag ula hadleen hogaamiyayaasha Soomaalida, waxaana muuqata in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay si adag u diidan yahiin shir ay sheegeen iney marin habaabineyso Villa Soomaaliya.

Waxaa jira qodobo badan oo la isku diidan yahay ka hor inta uusan furmin shirka, waxaana laga yaabaa iney saxaafadda uga warbixiyaan waxyaabaha ay ku diidan yahiin ka qeybgalka shirka teendhada Afisyooni.

Wixii warar ah ee kasoo kordha shirkaas, Caasimadda Online kala soco.