Xog: 6 qodob oo xasaasi oo ay dalbanayaan Deni iyo A/Madoobe si shirku u furmo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, iyo madaxweynayaashii hore ee dalka oo ku mideysa Madasha Badbaado Qaran ayaan kasoo qeyb-gelin shirka Afisyoone ee beesha caalamak ay garwadeenka ka tahay, ayada oo shirka ay tageen Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyne goboleedyada taabacsan.

Saakay, Farmaajo iyo saddexda maamul ee taabiciyiinta ah ayaa tagay Afisyooni waxeyna ku yeesheen shir la mid ah midkii ay xalay ku yeesheen Villa Somalia, maadaama aysan soo xaadirin Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo goor sii horreysay oo xalay aheyd sheegay iney saluugsan yahiin ajandaha shirka, lana rabo in la marin habaabiyo waxa la rabo in laga hadlo.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in xubnaha ku jira Madasha Badbaadada Qaran ay ku doodayaan in wax laga qabto afar qodob ka hor inta aanu shirku billaaban, kuwaasi oo kala ah:

1- In amniga goobta shirka la sugo, islamarkaana Madaxweyne Farmaajo ciidankiisa ka saaro si loo helo kalsooni amni iyo wadahadal caafimaad qaba.

2 – In madaxweyne Farmaajo uu mas’uuliyadaha qaarkood ku wareejiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadibna isaga oo mushrrax ah uu ka qaybgalo hawlaha tartanka doorashada.

3 – In hogaaminta shirka loo dhiibo beesha caalamka maadaama uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha islamarkaana uusan laheyn sharciyad uu ku hogaamiyo, ama hoggaan la iska dhex-doorto balse ay goobjoog ka ahaadaan beesha caalamka oo dammaanad qaad ka noqday fulinta waxa lagu heshiiyo.

4 – In laga tala-geliyo Ajandaha shirka oo xalay shaacisay Villa Somalia iyadoo aan kala tashan maamulada kale ee dalka, gaar ahaan Axmed Madoobe iyo Deni. 

5 – In shaqada laga joojiyo taliyayaashii ku lugta lahaa weerarkii lagu qaaday mucaaradka 19-kii February.

6 – In wada-hadallada shirka laga qeyb geliyo Mucaaradka iyo Aqalka Sare si xal loogu helo dhamaan tabashooyinka Soomaaliya. 

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo maamullada taageersan waxey xalay ku heshiiyeen in shirka lagu soo koobo kaliya natiijadii kasoo baxday shirarkii labada maalin ee guddiga farsamada ku yeesheen Baydhaba 15-kii iyo 16-kii February.

Sidoo kale waxey isla garteen in xubno ka socda midowga musharaxiinta aan loo ogolaan iney talo ku yeeshaan waxa lagu heshiinayo, walow qudbado la siiyay madaxweynayaal hore sida ku cad ajandaha

Sidoo kale madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday wuxuu doonayaa in shirka dhan lagu soo koobo wixii la isku diiday shirkii Dhuusamareeb 4 oo ay ka mid ahaayeen arrinta gobolka Gedo, Guddiyada Doorashada iyo arrinta Somaliland.

Dhanka kale labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo Puntland oo ku lamaanan midowga musharaxiinta iyo siyaasiyiinta gobollada waqooyi garabka gudoomiyaha aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxey doonayaan in laga hadlo ka hor shirka qodobadaan soo socda: