Mahad Salaad oo fasiraad cajiib ah ka bxiyey imaatinka FARMAAJO ee Afisyooni

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaanada sida weyn u diidan madaxweynaha uu muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal ka sameeyay imaatinkiisa teendhada Afisyooni oo la damacsanaa inuu maanta ka furmo shirka arrimaha doorashooyinka.

Farmaajo ayaa maanta wakhti hore soo xaadiray teendhada Afisyooni oo ah aagga garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde, waxaana hogaaminayay kolonyo gawaari gaashaaman ah oo ay dadka siyaabo kala duwan fasiraad uga bixiyeen.

Mahad Salaad oo qoraal uu macno kale ugu yeelayo imaatinka Farmaajo ee teendhada wuxuu sheegay inuu dib ugu soo laabtay halkii lagu doortay Afar sano ka hor iyadoo aan lagu heshiin arrimaha doorashada.

Sidoo kale wuxuu sheegay in imaatinkiisa uu yimid xilli ay maamullada dalka ay kala irdhoobeen, sidoo kalana uu galay dambiyo dagaal sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaas sii raaciyay in markii la doortay ay ciidamo Soomaali ah ilaalinayeen balse ay maanta garbahiisa joogaan AMISOM oo dadka ka ilaalineysa.

Hadalka Mahad Salaad oo waxyaabo gaar ah ku qotomay wuxuu kaloo ku sheegay in qabkii iyo buuloxuuftadii lasoo waday mudadii uu sida sharciga ah ku joogay Villa Soomaaliya ay soo dhamaatay.

“Teendhadii 4 sano kahor lagu doortay isagoo Ciidamo Soomaaliyeed amnigiisa ilaalinayaan ayaa maanta la soo dhex fariisiyay isagoo MW muddo xileedkiisu dhamaaday ah, doorasho heshiis lagu yahana aysan jirin” ayuu soo qoray Xildhibaan Mahad Salaad.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu hadana yiri: “Maamuladii dalka ay kala irdhoobeen. Dambiyo dagaal galay. Amisom amnigiisa ilaalinayso, dadkana ka ilaalinayso. Qabkii beenta ahaa iyo buuloxuuftadii 4 sano jirsatay ee Farmaajo soo maanta halkaas kuma harin?!”

Hadalka Mahad Salaad ayaa kusoo aaday xilli madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu qarka u saaran yahay inuu ka fashilmo shirkii shanaad oo uu ku baaqo, iyadoo maanta ay soo xaadireen kaliya maamullada uu taageerada ka heysto ee saddexda ah.