DF oo war kasoo saartay shirka halka dhinac ah ee maanta ka furmay Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta xukuumadda xil gaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa warbaahinta kula hadlay xerada Afisyoone oo lagu ballansanaa inuu maanta shir uga furmo madaxda maamul goboleedyada, madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir, balse dhinacyada qaar ay soo xaadiri waayeen.

Shirkaan ayaa waxa ka qeyb-galay ra’iisal wasaaraha xilka sii-haya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) , Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), HirShabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in shirkii uu maanta furay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu soo idlaaday wajigiisi koowaad goordhoweyd, kaasi oo ahaa furitaanka Shirka oo ka qabsoomtay hoolka Afisyoone saaka subaxdii, ayada oo ay ka maqan yihiin Saciid Deni iyo Axmed Madoobe

Sidoo kale waxa uu sheegay in shirka uu sii socon doono, si dalka uu u aado doorasho, isagoona ugu baaqay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay soo xaadiraan shirarka dambe ee madaxdu iskugu imaaneyso.

“Waxay ujeedadiisu aheyd sii ambo-qaadista sidii loo hirgelin lahaa heshiisyadii 17-kii September ee Muqdisho iyo 16-Kii Fabraayo ee Baydhabo ee ay soo diyaariyeen guddigii Farsamo. Waxaa dhamaan kasoo qeyb-galay qeybihii la casuumay ee madaxweynaha, marka laga reebo dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland madaxdooda,” ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey “Shirka wuu sii socon doonaa ilaa berito, waxaana rajeyneynaa in madaxda maqan ay berito kusoo biiraan shirka hadii alle raali ka noqdo.”

Dubbe ayaa carabka ku adkeeyay in Farmaajo uu diyaar u yahay wada-hadal, islamarkaana uu maanta dhan xaadir ka ahaa goobta shirka, kaasi oo ay ka maqnaayeen madaxda Puntland iyo Jubbaland oo si weyn uga soo horjeeda hanaanka doorasho ee dowladda waqtigeedu dhamaaday.

Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ay rajo ka qabto in labada madaxweyne ee maanta aan imaanin shirka ay kasoo qeyb gali doonaan, walow ay jiraan warar quus istaajinaya rajo walba oo laga qabay maadaama lasoo warinayo iney wataan shuruudo badan oo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo horay uga biyo diiday.

Hadalkaan ayaa imanaya xili ay madaxda Puntland iyo Jubbaland ka madax adeygayaan ka qeyb-galka shirka Afisyoone, maadama ay kasoo horjeedan Farmaajo oo ay ka dhamaatay muddo xileedkiisa sharciga ah iyo tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday.