Villa Somalia oo yeelatay afar agaasime tan iyo markii Farmaajo loo doortay madaxweyne

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta xilkii ka qaaday agaasimihii Madaxtooyada Villa Somalia Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin ayaa xilkaan hayey ilaa Hal sano waxaana Maanta loo magacaabay Taliye xigeenka Hey’adda Nabadusgidda dalka oo uu muddo badan raadinayey.

Xilka Agaasimaha Madaxtooyada ayaa waxaa loo magacaabay Aamina Siciid Cali oo aheyd agaasime ku xigeenkii madaxtooyada iyadoo lasoo dalacsiiyey markii ay waxqabad fiican soo bandhigtay.

Haddaba magacaabistaan cusub ayaa ka dhigan in madaxtooyada Villa Somalia ay soo mareyn ilaa 4 agaasime tan iyo markii uu Farmaajo noqday Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in mid kamid ah agaasimayaashaas uu ahaa kumeel gaar halka seddexda kalana ay ahaayeen kuwa rasmi ah.

Halkaan hoose ka akhriso magacyadooda:

1- Cali Fiqi Agaasime Kumeel gaar ah

2- Abuukar Baalle Agaasime

3- Fahad Yaasiin Agaasime

4- Aamina Siciid Cali Agaasime

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com