Xaqiiqada Wejiyada cusub ee loo magacaabay Talisyada Ciidamada iyo Madaxtooyada Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sameeyay isbedelladii ugu weynaa ee Hay’adaha amniga iyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Wareegtadii saaka ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya waxay ahayd kuwii ugu danbeeyay wareegtooyin lagu tilmaamay wiifto oo si is-daba joog ah uga soo baxayey xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, iyadoo dowladda Nabad iyo Nolol ay noqotay tii ugu weyneyd ee xil ka qaadis iyo magacaabis waqtigeeda ku qaadatay.

ISBEDELLADA UGU WAAWEYN IYO WEJIYADA CUSUB

  1. FAHAD YAASIIN: Weji cusub oo haddana qadiim ah

Isbedelka ugu weyn ee wareegtada ka muuqda ayaa ah in Agaasimaha madaxtooyada Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ahaa ninka ugu awoodda badan dowladda Farmaajo uu hadda doortay inuu noqdo Agaasimaha iyo Sirdoonka ee NISA, taasoo ka dhigan inuu maamuli doono Hay’adda muranka badan ka dhex jiray ee awoodda badan, kadib markii xilalkii laga qaaday labadii ku xigeen ee NISA, isaguna uu noqday ku xigeenka kaliya ee Hay’adda, iyadoo labada Agaasime ku xigeen ay xilka u waayeen ku xigeenka awoodda leh oo la aaminsan yahay inuu isagu maamuli doono.

Lama oga sababta uu ku doortay Hay’adda NISA oo aan ahayn mid siyaasadeed, isla markaana ay socotoy qorshe ah in awooddeeda si weyn loo yareeyo, iyadoo sharci cusub loo sameynayo laguna celinayo howshii sirdoon, taasoo dhowaan bilaabtay markii ciidamada hubeysnaa laga wareejiyay oo lagu biiriyey Booliska.

  1. Taliyaha ciidamada Xoogga dalka: Talis ay naafeysay isbedello hoggaan

Wejigada cusub ee aan haddana cusbeyn ee wareegtada ugu danbeysan soo celisay waxaa ka mida xilkii Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo laga qaaday Jen. C/weli Jaamac Gorod oo xog kala duwan ay tilmaantay inuu ahaa shaqsi hanan waayey taliska xoogga dalka oo jilicsan, waxaase xilka loo magacaabay Jen. Daahir Aadan Cilmo (Indha Qarshe) oo hore xilkan u soo qabtay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh.

Jen. Indha-Qarshe waxaa xilka looga qaaday arrimo amar ku taagley iyo musuq ah, iyadoo ay xaaladiisu gaarto in gabayo laga tiriyo dhibaatada uu ku hayo ciidamada xoogga dalka, waxayna tani muujineysa inay soo yaraadeen dadka xilkan qaban kara, markii dib loogu laabtay taliye hore howshan ku eed mutay.

Waxaa kaloo xilka ciidamada ku cusub Taliyaha Ciidanka Badda oo loo magacaabay G/sare Xasan Nuur Col-ujoog, waxaana seefta xil ka qaadista ay la tagtay Jen. Maadey Ufurow oo muddo dheer xilkan soo hayey

  1. Abaanduulaha ciidamadda Xoogga dalka

Wejigada cusub ee ku jira magacaabidda madaxweyne Farmaajo waxaa ka mida in abaanduulaha ciidamada Xoogga dalka loo magacaabay Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Odawaa Yuusuf Raagge oo ahaa nin dhalinyaro ah oo lasoo dalacsiiyey lagana dhigay Sareeye Guuto, waxaana arrintan oo loo eegay miisaanka beelaha lagu tilmaami karaa isbedel dhinaca fiican loo qaaday haddii aanay dhibaato ka imaan khibrad la’aanta abaanduulaha cusub.

Waxaa xilkii laga qaaday Abaanduulihii Ciidanka xoogga dalka Jen. C/llaahi Cali Caanood oo ahaa nin ay isku heyb yihiin madaxweynaha oo si weyn looga sheegtay inuu magaca madaxweynaha ku sameeyo takrifal awoodeed, isla markaana dacwado badan uga yimaadeen madaxweynaha.

  1. Haweenka iyo xilalka cusub

Aamino Saciid Cali oo horay u aheyd Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada ayaa noqotay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, waxaana loo arkaa inay ahayd mas’uulka shaqada hoose ee madaxtooyada hore u waday, iyadoo aan ku cusbeyn madaxtooyada.

Waxaa sidoo kale Taliye kuxigeenada ciidamada Booliska Soomaaliyeed markii ugu horeysay loo magacaabay G/Sare Zakiya Xuseen Axmed oo sanado ka hor ku biirtay Ciidanimada.

Isbedellada cusub ee madaxweyne Farmaajo ku sameeyay talisyada ciidamada ayaa waxaa ka dhalan kara inuu meesha ka baxo miisaankii beelaha, taasoo keeni doonta in xilal kale la magacaabo waqtiyada soo socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com