Waa kuma basaaskii soo gudbiyay xogta halkii uu ku sugnaa Abu Bakar Baqdaadi?

Idlib (Caasimadda Online) – Sida ay sheegayaan ilo wareedyo warbaahineed, shaqsigii Sirdoonka u soo bandhigay halka uu ku suganyahay hogaamiyaha ururka Daacish, ayaa waxa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Sajit.

Maxamed ayaa gacan weyn ka geystay in ciidamada Mareykanku ay ogaadan halka uu ku suganyahay hogaamiyaha Ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka Abuubakar Al-Baqdaadi.

Sajit ayaa waxa lagu waramayaa in uu Hogaamiye Baqdaadi ugu adeegi jirey sida saaxiibkii u dhow, isagoona xogta halka uu ku suganyahay la wadaagay sirdoonka dalka Mareykanka iyo unugyada gudaha dalka Ciraaq.

Waxa kale oo la soo warinayaa in ninkaasi uu sirdoonka ciraaq fariin email ah ugu kashifay halka rasmiga ah ee uu xiligaasi ku sugnaa hogaamiye Baqdaadi.

Xogaha ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in Baqdaadi uu ku safri jirey inta u dhaxeysa Suuriya iyo xadka Ciraaq, iyadoo ay wehliyaan 5-qof oo ilaaladiisa ah, isla markaan uu aad ugu kalsoona.

Dhinaca kale, Wargeyska New York Times ayaa isaguna baahiyay in Baqdaadi la helay goobta uu ku sugnaa kadib markii gacanta lagu soo dhigay fariin diraha ‘Fariin-qaadaha’ gaarka u ah hogaamiyihii la dilay.

Wargeyska ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in qabashada mid ka mid ah xaasaskii Baqdaadi iyo wareysigii lala yeeshay sanadkii hore ay fudeydisay howlgalkii ka dhanka ahaa Baqdaadi.

New York Times ayaa waxa uu intaas sii raacisay “Waxa si dhow ula shaqeynayay howl-galkaas ciidamada Mareykanka kuwa sirdoonka Ciraaq iyo Kurdiyiinta si loo helo Baqdaadi”.

Abuubakar Al-Baqdaadi ayaa inta badan markuu safrayo xirnaan jirey Suunka waxyaabaha qarxa ah, taasi oo la sheegay in uu uga gol lahaa in gacanta lagu dhigin isagoo nool haddii la soo weeraro.

Baqdaadi ayaa lagu waramaya in cabsi baahsan soo food saartay, isla markaana uu waqti kasta filan jirey dilkiisa, inta uusan is qarxin ka hor markii ay isku dayeen ciidamada Mareykanka inay u dhowaadaan.

Waxaa kale oo la sheegay in goobta uu Baqdaadi isku qarxiyay lagu dilay illaa 10 qof oo kamid ahaa ilaaladiisa, inkastoo la sheegay inay badbaadeen laba cunug oo uu dhalay ninkii lahaa guriga ay ku sugnaayeen xubnaha la weeraray.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com