DF Somalia oo sameyneysa MAXKAMAD guur guurta, si looga hortago hal arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlayey TV-ga Qaranka ayaa sheegay in dowladda federaalka ay sameyneyso maxkamad guur guurta oo tageysa meelaha ay ka jiraan dhibaatooyinka.

Maareeye ayaa sheegay in maxkamaddan ay si gaar ah uga howlgali doonto Beleweyne iyo goobaha kale ee ay ka jiraan fatahaadaha, si looga hortago in la musuq-maasuqo gargaarka loogu talagalay dadka barakacayaasha ah.

Sidoo kale wasiirka ayaa ujeedada laga leeyahay sameynta maxkamadan ku sheegay in looga hortagayo wax is dabamarin lagu sameeyo howlaha gargaarka, wuxuuna tilmaamay in cid kasto oo isku dayda inay wax musuq-maasuqdo la horkeeni doono maxkamaddaasi.

Dhinaca kale guddiga gurmadka fatahaadaha oo uu dhowaan magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in xaaladdii ugu darneyd ay ka taagan tahay Beledweyne, loona baahan yahay in gurmad loo fidiyo dadka ku dhibaateysan halkaasi.

Xubnaha guddiga ayaa sidoo kale sheegay inuu xirmay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, islamarkaana aan la adeegsan karin, xalna loo baahanyahay, si dadka dhibaateysan loo gaarsiiyo gurmad deg deg ah.

Ugu dambeyn guddiga ayaa baaq u diray Somaliland iyo Puntland, waxaana uu ka dalbaday inay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo walaalahaasi Soomaaliyed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com