Xisbiga Mukhtaar Roobow uu hoggaamiyo oo qoraal kasoo saaray warbixintii QM

Baydhabo (Caasimadda Online) – Xisbiga uu hoggaamiyaha ka yahay Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ee Amni iyo Cadaalad ayaa qoraal kasoo saaray warbixintii Qaramada Midoobay ee ku saabsaneyd Doorashadii ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in la musuq maasuqay doorashadii ka dhacday Baydhabo islamarkaasna laaluush la siiyey Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in la laayey dad Shacab ah oo ka banaan baxayey Xarigii loo geystay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ilaa hadda u xiran Dowladda Soomaaliya.

Xisbiga Amni iyo Cadaalad  ayaa si weyn usoo dhaweeyey warbixinta Kooxda Kormeerka Caalamiga ah (International Monitoring Group) ay kasoo saartey Dhibkii ka dhacey Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafey 13 bishii December 2018 oo shacabka Soomaaliyeed ee Reer koonfur galbeed u eheed maalin murugo.

Xisbiga ayaa sheegay in si sharci daro ah loo afduubey murashaxii aqlabiyada badnaa ee koonfur Galbeed Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali isagoo xiligaasna ku guda Jirey Howlihiisa Ololaha Doorshada.

Sidoo kale xisbiga ayaa sheegay in la xasuuqey shacab aan waxba galabsan oo aragtidooda dastuuriga ah dhiibanayey dibad baxa nabadeedna ka dhigeyey magaalada Baydhabo iyadoo si sharci daro loo laayey shacab aan waxba galabsan loona isticmaaley awood dowladeed heer federal iyo heer maamulba.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Xisbiga Amni iyo Cadaalad

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com