Waa kuma Soomaaliga ugu horreeyay ee uu Abiy Axmed u magacaabay ku-xigeenkiisa?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Aadan Faarax oo ah siyaasi kasoo jeeda dawlad deegaanka Soomaalida u magacaabay xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka dowladda Itoobiya.

Warkan oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in magacaabista Aadan Faarax ee darajada ra’iisul wasaare ku-xigeen loogu cusboonaysiiyay masuuliyadiisii shaqo.

Shir ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Addis baba oo uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa kasoo qayb galay axsaabta siyaasadeed oo ay Soomaaliduba kamid yihiin.

Inta shirku uu socday waxaa mas’uuliyiin badan oo shirka kasoo qayb galay ay su’aalo ku weydiinayeen ra’iisul wasaaraha, iyadoo Soomaalidu ay qayb ka ahayd, waxana qaarkood ay weydiiyeen saamiga siyaasadeed ee Itoobiya ay ku leeyihiin Soomaalida degta dowlad deegaanka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa gunaanadka shirka waxa uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay in Aadan Faarax uu u magacaabay kuxeenkiisa.

Waa kuma Aadan Faraax?

Aadan Faarax waa siyaasi Soomaali-Itoobiyaan ah, isla markaana siyaasadda dalkaasi in badan kusoo dhex jiray, isaga oo lasoo shaqeeyay mas’uuliyiin kala duwan oo hoggaanka ugu sareeya dowlad deegaanka soo qabtay.

Waxa uu mar soo ahaa afhayeenka baarlamanka fedraalka ah ee Itoobiya isaga oo markaas beddelay Keria Ibraahim sanadkii 2020-kii, waxa uuna sidoo ahaa kuxigeenka madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida intii u dhaxaysay 2018-kii ilaa 2020-kii.

Inta uusan isbedelku dhicin ee dowladdii hore, waxa uu sidoo kale soo ahaa wasiirka howlaha guud iyo dhismaha magaaloyinka, sidoo kale waxa uu barasaab ka noqday magaalada Diri dhaba.

Isbedelkii marka uu dhacay ayuu mar labaad noqday madaxweyne kuxigeenka dowlad deegaanka Soomaalida, shirweynihii xisbiga PP ayuu u tartamay gudoomiye kuxigeenka 1-aad isagoo tartan la galay saddex qof, waxa uuna noqday qofkii ugu codka badnaa isagoo helay 1330 cod marka laga soo tago ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo ahaa qofkii ugu codka badnaa, waxaa uu noqonayaa qofka xiga.

Hadda waa ku-xigeenka xisbiga talada dalka haya ee Prosperity Party ee loosoo gaabiyo P-P, waxa uuna isku wadi doonaa labada shaqo ee ku-xigeenka xisbiga iyo kuxigeenka ra’iisul wasaaraha.

Waa markii ugu horreysay ee taariikhda Itoobiya uu shaqsi Soomaali ah qabto xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo darajo u dhigantaba.

Aaadan waxa u bartay culuumta dhaqaalaha iyo beeraha, waxaana hadda uu noqonayaa shaqsiga labaad ee ugu sarreeya Itoobiya.

Waxaa qeybo kamid ah warbixintaan laga soo xigtay BBC.