Waalidiinta wiilashooda loo geeyey Eritrea askar ahaanta oo war cusub saaray + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Waalidiinta dhalay dhalinyaradii tobabarka ciidan-nimo loogu qaaday dalka Eritre oo warbaahinta la hadlay ayaa dowladda u qabtay muddo ku siman toddobaad inay wiilashooda ugu soo celiyaan.

Waalidiintaan ayaa sheegay inay wiilashooda la’yihiin labo sanno, islamarkaana ay rabaan inay dib u arkaan, maadama mudada intaas le’eg aysan ka warqabin xaalada ay ku sugan yihiin, lana soo warinayo warar sheegayay inay ku la’deen dagaalkii Tigray.

Waxay dalbadeen in wiilashooda loo soo gacan-geliyo, ayaga oo sheegay in qaar kamid ah dhalinyaradii loo qaaday tobabarka laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, halka kuwooda ay maqan yihiin, sida ay sheegen.

“Caruurteena waa in naloo keena sida ugu dhaqsaha badan, nimankii loo qaaday tobabarka ayaa la keenay oo kuwii ka horeeyay ayaa la keenay, waxaan dowladda ka codsanayaa in awlaadeena ay noo keenaan,” ayey tiri Hooyo kamid ah waalidiinta warbaahinta la hadlay ee wiilashooda ka maqan yihiin.

“Ilmaheena qaar sanad iyo labo sanno ayey maqan yihiin, doorasho dhici mayso mana dhaceyso ilaa caruurteena naloo keenayo, mana joojineyno mudaharaadka, waana in sida ugu dhaqsaha badan naloogu keeno.”

Sidoo kale waxay sheegen in wiilashooda ay qaarkood ka baxeen Eritrea oo ah dalkii ay dowladda hore ugu qaaday tobabarka, kadib markii ay kala kulmeen xaalad adag, sida ay sheegen qaar kamid ah waalidiinta warbaahinta la hadlay.

Waalidiintaan oo iskugu jiray aabayaasha iyo hooyoyinka dhalinyaradii tobabarka loo qaaday Eritrea ayaa waxay dowladda iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ka dalbaday inay caruurtooda ugu soo celiyaan muddo ku siman toddobaad.

Dhalinyarada loo qaaday tobabarka ee la geeyay Eritrea ayaa waxa ka dhalatay xiisad hor leh, waxaana dhowr jeer lasoo wariyey inay ka qeyb-qaateen dagaalkii Tigray ee xukuumadda Abiy Axmed ku qaaday, inkasta oo ay beenisay dowladda waqtigeeda uu dhamaaday.

Hoos ka daawo muuqaalka waalidiinta