Waare oo shaaca ka qaaday dad kale oo u maqan sida Ikraan Tahliil Faarax oo kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, oo wareysi siiyey warbaahinta Hanoolaato, ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil oo lagu waayey gacanta Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Waare ayaa sheegay in tan markii kooxda Nabad iyo Nolol ay la wareegtay taliska Soomaaliya la waayey dad badan oo uu sheegay inay ugu dambeysay Ikraan Tahliil, taasoo kiiskeeda laga ogaaday muuqaalo ay duubtay Kaamiroyinka qarsoon ee CCTV.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa ku baaqay in si dhab ah loo fiiriyo dhacdooyinka joogtada ah ee ka dhaca Soomaaliya, gaar ahaan dad badan oo maqan ama la dilay oo dhinacyo kale dusha loo saaray.

Wuxuu sheegay in cabsida ugu weyn ee Soomaaliya ka jirto islamarkaana uu sida weyn uga cabsanayo ay tahay in qofkii lala baxo aan dib dambe loo arag, taasi oo uu ku sheegay inay halis ku tahay dalka iyo dadka.

“Qof weliba gacanta ayuu dhabanka saartay, waxa ugu weyn ee laga cabsanayo waa in guryaha la iska baxo, Kiisaska waddankaan ka dhacay waxa ay Ikraan uga duwan tahay waa dumar dhalinyaro ah oo hadda soo baxday,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Waare ayaa dalbaday in cadaaladda loo sinaado, islamarkaana la helo isla xisaabtan dhab ah si meesha looga saaro cabsida weyn ee soo wajahday ummadda Soomaaliyeed.

Hadalka kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Hirshabelle ayaa kusoo aadayo xilli Hey’adda NISA ay sheegtay Jimcihii in Ikraan Tahliil ay dishay kooxda Al-Shabaab inkastoo ay kooxdana iska diiday eeda loo soo jeediyey.