Jeff Rathke oo faah-faahin ka baxshay dib ula noqoshadii magacaabistii Katherine

Muqdisho (Caasimada Online)-Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka, Jeff Rathke ayaa ka hadlay Tallaabaddii Madaxweyne Barack Obama dib ula noqday magacaabistii Danjirihii Maraykanka ee wakiilka uga ahaa Somalia, Katherine Simonds Dhanani , oo iyadu sheegtay inay arrimo u gaar ah darteeda isku casishay.

Go’aankeeda ayaa yimid, dhowr maalmo kadib, markii uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, John Kerry booqasho kedis ah ku yimid magaalladda Muqdisho bishan May 5-dii.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka, Jeff Rathke waxa uu sheegay inaysan wax qalad ah lahayn tallaabadda uu Madaxweyne Obama dib uga laabtay Magacaabistii Ambassador Katherine Simonds Dhanani.

“Waa go’aan ay qaadatay Ambassador Katherine Simonds Dhanani sababo dhinaca qoyskeeda. Siyaasadeedeena Somalia isma beddelin, mana jiraan warar la xiriira arrintaasi” waxa uu intaasi ku daray inuu go’aankaasi yahay mid fudud oo sababo shaqsiyadeed ah.

Afhayeenka waxa kaloo uu tilmaamay inay weli xubno joogaan Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Nairobi, kuwaasi oo uu xusay inay ka wadaan hawlaha ku aadan Arrimaha dalka Somalia.

Afhayeenka waxa uu carrabka ku adkeeyey inaysan waxba iska beddelin Siyaasadda Maraykanka ee Arrimaha dalka Somalia iyo tallabooyinkii saxda ahaa ee uu ka hadlay Xoghayaha Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka, John Kerry markii uu bilowgii bishan booqasho ku yimid magaalladda Muqdisho.

John Kerry waxa uu ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalladda Muqdisho inaysan Dowladda Maraykanka weli waqti u cayimin si ay Diplomaasiyiintooda ugu sugnaadaan gudaha Muqdisho.

Horey ayuu Madaxweyne Obama waxa uu bishii February 25-dii ee sannadkan magacaabay Katherine Simonds Dhanani, iyadoo noqotay Danjirihii ugu horreeyey oo ay Maraykanka u soo diraan Somalia, tan iyo markii Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho albaabadda loo laabay sannadkii 1991-kii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com