Xildhibaan sifo cajiib ah ka bixiyay Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo inta badan Madaxweyne Xassan Sheekh lagu tilmaamayo inuu ka gaabiyay Siyaasada dalka, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xildhibaan ka tirsan BF Somalia.

Xildhibaan C/llahi oo kamid ah Xildhibaanada ugu firfircoon BF, ayaa sheegay in Siyaasada Somalia ay sii naxuuseyso, kadib markii uu sheegay in Madaxweyne Xassan mudada u harsan uu marxaladii ugu dambeysay gaarsiiyay Somalia.

Waxa uu tilmaamay in Xassan Sheekh uu xiligaani yahay Hogaamiye ku fashilmay rajadii laga qabay inuu Somalia ku hago wadada saxda ah, waxa uuna farta ku goday inuu lumiyay Siyaasadii Dowlada kala dhexeysay Caalamka intiisa kale.

Waxa uu yiri ”Waa nasiib darro in hamigii aan laheynay cagta uu Xassan Sheekh mariyay waxaa ii muuqata inuu ku fashilmay Siyaasada dalka, kaliya hanugu saacido inuu waqtigiisa uusan korarsan”

Waxa uu ugu baaqay inuu wax ka bedelo Siyaasada dalka inta uga harsan wakhtiga, waxa uuna carabka ku adkeeyay in Siyaasada Somalia ay gacanta u gashay shaqsiyaad aan ka badneyn 10 Siyaasi.

Dhanka kale, waxa uu BF Somalia uga digay inay sheeda ka daawadaan carqalada Siyaasadeed ee ka taagan Villa Somalia, waxa uuna ku baaqay in dhexda loo guntado sidii looga gaarsiin lahaa sumcada Somalia ee sii naxuuseysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com