Wada-hadallada Somalia iyo Somaliland oo si rasmi ah u furmay maanta + Sawirro

Jabuuti (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shaaciyey inay si rasmi ah u furmeen wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee Jabuuti ay marti-gelineyso.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dib u bilaabashada wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay tusaale fiican u yihiin Gobolka Afrika.

Madaxweyne Ismaaciil oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in wada hadalladaan ay tusaale fiican u yihiin si wadida go’aanada hoggaamiyaasha Gobolka si loo xaliyo khilaafaadka iyadoo loo marayo wadahadal.

“Dib u bilaabashada wada hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland waa tusaale fiican oo ka tarjumaya sii wadida go’aanka hogaamiyaasha gobolka si loo xaliyo khilaafaadka iyada oo loo marayo wadahadal”. ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil.

Wada hadalada ka dhacaya dalka Jabuuti ayaa waxaa gadaal ka riixaya dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub, waxaana la qorsheeynayaa inuu xoojin u noqdo Mashruuca uu horboodayo Abiy Ahmed ee ah is dhex galka dalalka Geeska Afrika.

Bishii Febraayo ee sanadkan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed xafiiskiisa ku kulansiiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi, kaasoo ahaa kulankiibu horreeyay ee fool ka fool u yeeshaan labada Mas’uul.

Hase ahaatee waxaa suura geli waayay qorshe uu waday Abiy Ahmed oo ahaa in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo oo wada socda inay ka dagaan magaalada Hargeysa.

Si kastaba ha ahaatee dadka odorasa arrimaha siyaasadda Geeska Afrika ayaa aaminsan in kulankan uu ku soo aaday xilli xasaasi ah oo dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya ay wajahayaan xaalada siyaasadeed oo gudaha ah.