Madaxweyne Farmaajo oo shir ku casuumay madaxda maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jumhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku casuumay madaxda maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

War Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Casuumaadaas loo fidiyey dhammaan madaxda maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Waqtiga la qabanayo shirkaas iyo meesha uu ka dhacayo ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka inay go’aan ka gaari doonaan guddiyo farsamo oo ka kooban dhammaan dhinacyada kasoo qeybgalaya.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Dowladda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan Shirka Golaha Amniga Qaranka u fidinaya Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa ku saabsan sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa geeddi socodka doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, waxaa jira shir hordhac ah oo ku qabsoomaya aaladda la iska arki karo kaasoo lagu qiimeynayo dadaallada wadajirka ah ee haatan socda ee lagula dagaallamayo cudurka Coronovirus, sidii loo sii xoojin lahaa ka hortaggiisa iyo culeyska dhaqaale ee ka dhashay .

Jadwalka uu ku qabsoomayo Shirka Amniga Qaranka waxaa ka shaqeynaya guddiyo farsamo oo ka kooban dhammaan dhinacyada kasoo qeybgalaya si loo sii amba qaado wadatashiyada arrimaha masiiriga ah ee dalka iyo xoojinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Madaxtooyada JFS waxa ay adkaynaysaa muhiimadda shirkan, maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa hannaanka dimuqraadiyeed ee dalkeenna.