Wadada kaliya ee Xisbiga xukuumadda Nabad iyo Nolal uu ku guuleysan karo

Waxaa dhawaan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka loo gudbiyey warqadaha diiwaan-gelinta xisbiga xukuumadda ee Nabad iyo Nolol oo guddoomiye ku-meel gaar ah looga dhigay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Wararka soo baxayay ayaa sheegaya in musharaxa Xisbiga Nabad iyo Nolal uu noqon doono Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana uu ka qeyb geli doono tartanka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Haddii ay sax tahay arrintaan waxaa loo arkaa in xisbiga lugta saaray wadadii guul darrada, hase yeeshee waxaa jira hal sabab oo kale oo keeni karta wadadii guusha ee Xisbiga.

Siyaasiin badan ayaa aaminsan in hadii musharaxa Xisbiga Nabad iyo Nolal noqdo Kheyre uu xisbigaasi guuleysan karo ama uu kaalmaha ugu horreeyo ka geli doono doorashada Soomaaliya waxaana sababta lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu kalsooni fiican ka heysto bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan siyaasiinta, bulshada rayidka, iyo odayaasha.

Sidoo kale waxaa la sheegaa inuu kalsooni weyn ka heesto maamulada dalka ka jira islamarkaana uu dhismahooda ku bixiyay xoog badan, sida Galmudug, Koonfur Galbeed iyo xariirka wanaagsan ee kala dhaxeeya HirShabeelle.

Sidoo kale Kheyre waxaa saacidaya dadka uu ka dhashay ee Hawiyo iyo beelaha kale Digil iyo Mirifle, Daarood iyo kuwa kalaba oo tabasho weyn ka qaba Madaxweynaha Soomaaliya.

Haddii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo noqdo musharaxa Xisbiga waxay weyn doonaan dhamaan beelaha aan kor ku soo sheegnay codadkooda balse hadii Kheyre noqdo musharaxa Xisbiga waxay si dhib yar ku heli doonaan codadka beelaha aan soo sheegnay iyo kuwa kale.

Farmaajo ayaa waxaa cadaawad iyo dhibaatooyin badan ka tirsanaya beelaha aan soo xusnay oo mid walba uu qalad ka galay.

Tusaale, beelaha Digil iyo Mirifle waxay xusuustaan xasuuqii Baydhaba ee December 2018 oo shacab badan lagu laayey. Hawiyaha ayaa ka carreysan madaxdii hore ee dalka oo garoonka Muqdisho lagu bah-dilay. Ogaadeenka ayaa dareemaya halista dowladda ku hayso Jubaland, halka Puntland ay dowladda ku eedeysay inay caqabad ku noqotay.

Mucaaradka ayaa guul weyn u arka in Farmaajo noqdo musharaxa Xisbiga waxayna aaminsan yihiin in guul darro weyn ay ku dhici doonto Xisbigaasi balse waxay cabsi ka qabaan in Kheyre noqdo musharaxa Xisbiga, taas oo badali karta rajada ay qabaan mucaaradka ama cabsi weyn gelin karta.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaan ilaa hadda qeyb ka ahayn xisbiga Nabad iyo Nolol, mana cadda sababta iyo qorshihiisa siyaasadeed ee mustaqbalka.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid