Muwaadiniin Kenyan ah oo ku xayiran Somalia oo loo diiday iney galaan dalkooda

Mombasa (Caasimada Online) – Muwaadiniin Kenyan ah oo ku xayiran gudaha Soomaaliya loona diiday iney wadankooda ku laabtaan ayaa u gudbiyay makxmad sare uu ku taala magaalada Mombasa, waxaana la filayaa in maanta la dhageysto.

Muwaadiniintaan waxey tabanayaan in dowladda ay jabisay xeerka xoyiyada dhaq-dhaqaaqa iyo daganaashaha iyagoo cuskanaya dastuurka dalkooda qodobka 39-aad.

Sida laga soo wariyay kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha muwaadiniintaan shaqada u joogay Kismaayo waxey ogolaansho ka heysteen xafiiska socdaalka dalkooda.

Walaaca ugu weyn ee heysta wuxuu yahay in laga qaatay baasabooradooda isla markaana loo diiday iney gudaha u galaan wadankooda.