Madax muuqda iyo middi saawira midna lagama samro

By AHMED KARATE

Qaybta 4aad

6 –  Laga soo bilaabo burburkii dawladdii dhexe ilaa waqtigan xaadirka ah shakhsiyaad fara badan ayaa xil gaar aha isaga saaray inay ummadda u iftiimiyaan asalka musiibooyinka ku habsaday oo qabiilku hormuudka ka yahay. Runtii, waa nacasnnimo inaan qabiilka dusha u saarno halaagga soo gaaray dalka iyo dadka, waayo qof kasta wuxuu ku abtirsanayaa qabiil, hase yeeshee waxaa xaaraan ah “Qabyaaladda”.

Dhaqankeennu wuxuu gaaray in xitaa xoolahenna lagu sumadeeyo astaamo qabiil. Waxaa caado ka dhigannay inaan ka xishoono qabiilka laakin aan ku dhiirrano qabyaaladda. Dunida waxaa jira maahmaahyo ku salaysan dhaqan, caado, deegaan iyo mid caalami ah, waxaana ka mid ah midda odhanaysa “Ma jiro dhaqool ka xun midka aan doonayn inuu wax maqlo”. Soomaali si kasta ayaa loogu baaqay inay iska fogeeyaan qabyaaladda iyo kuwa gabbadka ka dhiganaya ahna kuwa boqonnada gooyey.

Intii ay socdeen dagaalladdii sokeeye ee qabiilka ku saleysnaa, dalalka dibedda, gaar ahaan Yurub, waxaan u soo taagnaa dhacdooyin aad u foolxun oo runtii ay tahay in dib loogu noqdo, hase yeeshee aan ka fursan waayey inaan ku wargeliyo jiilkii waagaas dhashay, si ay uga waantoobaan inay faashilkaasiyana ugu dhicin. Waxaa dhacday in dhowr jeer ay soomaalidu ku dagaallameen iyagoo toorrey isu qaatay, iyagoo u kala saftay qabaalika ay ka soo kala jeedaan.

Intaasi kumay ekaan ee waxay iska uruurinayeen qaaraan lacageed si ay ugu sii huriyaan dagaalladaasi. Si aan ugu raadinno xal, annagoo dhowr qofood ah aadna uga danqaday dhacdooyinkaasi, Ayaan waxaan isla garannay inaan dhidibbada u aasno urur (Community) mideeya Somalida ujeedddiisuna ahaa inaan dib dambe fadeexadaasi kale u dhicin.

Nasiibdarro, waxaan durbadiiba la kulannay dhibaatooyin fara badan oo aan halkan ku soo koobi karin midda ugu darneydna noqotay in intii ay dhuuxi lahaayeen ujeddooyinka aan ka lahayn ururka, ayaa waxaa na lagu bilaabay baaris ah in meel la saaro qabiillada aan ka kala tirsannahay. Waxaan ku soo baxnay kuwo ka kala tirsanaa qabaalika dagaalku ka dhexeeyo, kuwo xigta la ah, sida abti iwm,

Dood dheer kaddib, waxaan soo jeedinaay inaan ku matiqaadno hool weyn, si aan ugu bandhigno hadafkayaga. Fadhigaas waxaan culeys xoog leh saarnay inaan ka dhaadhicinno qabyaaladdu waxay tahay iyo ilaa meesha ay ku gaarsiin karto. Waxaan ka soo qaybgalayaasha tusaaleeyey in haddi mid innaga mid ah askari ama sarkaal rayid ah uu weydiiyo “Yaad u dhalatay?”, Ma waxaad ugu jawaabaysaa “Waxaan u dhashay Reer Qoordheere? Mise waxaad leedahay “Waxaan u dhashay Somali”. Cidna aqoon uma laha reer Qoorhdeere, laakin haddaad ku jawaabto “Somali”, waxaa hubaal ah inuu ku qaddarinayo, waayo waxaad u sheegtay magic aad xushmad iyo qaddarin ku mudanayso.

Haddaba, maxaan uga xishoonaa magaca aan ku sharafanahay ee aan ilaa hadda ka hari la’nahay qabyaaladda aan melena na gaarsiinayn? Waan aragnay dad qabiil difaaca isla markaana naf u hura. Maxaa ka reebay inay Qarankooda difaacaan noftoodana u huraan haddii loo baahdo. Haddii aad doonay inaay qiimeyso xaaladda aad ku xsugan tahay, waxaa lama huraan ah inaay barbar dhigto xaaladda aad hore ugu sugnayd. Haddiise aad doonayso inaad qiimeyso hammigaaga mustaqbalka, waxaa loo baahan yahay inaad barbar dhigto xaaladda aad ku sugan tahay.Ha layga raali noqdo haddii aan arrintan ku dheeraaday, anigoo ujeeddadaydu tahay inaan caddeeyo in aan cashar ka qaadan khaladaadkii aan galnay haddana aan weli ku dhiiranahay inaan meesheedii ka sii wadno.

Haddaad xaadirayso goob nabadeed, ma habbona inaad tagto adigoo hubaysan. Sidaa awgeed, anigu ilaa hadda ma rumeysni in Somali faa’iido ka keenaan  shir dib-u-heshineed,ilaa ay go’aansadaan inay maslaxo qaran u tagaan waayo waxay ilaa hadda ku tagayaan hab qabyaaladeed. Marna macquul ma noqonayso inaan la dagaallanno qabyaaladda oo aan ogsoon nahay meesha ay Somali gaarsiisay adigoo hab qabiil ku xaadirayo. Waa inaan mar kasta maaanka ku haynaa in caddaalad iyo qabyaalad wada dhaqmi Karin. La soco  qaybta soo socota

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid