Xisbiga Waddani oo noqday tusbax furtay oo kale iyo xubin maanta iska casishay

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa muddooyinkii dambe isasoo tarayey siyaasiyiinta kasii qul-qulaya xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, kuwaasi oo gebi ahaanba baneeyey kuraastii golaha dhexe ee xisbigaasi.

Asad Muuse Kibaar oo kamid ahaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Waddani ayaa shaaciyay inuu baneeyay xilkaasi, xili uu xisbigu wajahayo loolan adag oo kaga imanaya xisbul xaakimka Kulmiye.

Asad Kibaar ayaa waraaqda is-casilaadiisa u gudbiyay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Ciro.

“Guddoomiye waxaan kula socodsiinayaa anigoo ah ‘Asad Muse Kibar’ inan iska casilay xubinimadii Gollaha dhexe iyo xubinimadii xisbigaba sababo aniga ii gaar ah” ayuu ku yiri waraaqdiisa istiqaalada oo nuqul kamid ah uu soo gaaray Caasimada Online.

Wuxuuna intaas sii raaciyay “Waxaanan kaga mahad-celinayaa mudadii aan soo wada-shaqeeynay iyo sidii wanaagsaneyd ee usoo wada-shaqeynay”.

Asad ayaa door weyn kasoo qaatay xiligii ololaha doorashada madaxtinimada Somaliland oo xisbiga Waddani uu loolan adag ugu jiray hanashada kursiga ugu sareeya Somaliland, walow uu markii dambe Kulmiye ku gacan sareeyay.

Inkasta oo ay si dhab ah u cadeyn sababta rasmiga ah ee uu isku casilay, haddana waxa uu ku gaabsaday inuu xilkaasi u baneeyay sababo aan la xiriirin arrimo siyaasadeed.

Xisbiga Waddani ayaa u muuqda mid noqday tusbax furtay iyada oo marba marka kasii dambeysa ay ka hayaamayaan siyaasiyiin miisaan culus ku leh xisbiga dhexdiisa, kuwaasi oo hore usoo xero galiyay taageerayaal badan.