Kulan xasaasi ah oo caawa Muqdisho uga socda siyaasiyiinta Hawiye

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirro, Xildhibaano iyo Senatarro ka soo jeeda beelaha Hawiye ayuu caawa shir uga socdaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Xubnahan caawa ku shirsan Muqdisho ayaa ka arinsanaya maqaamka gobolka Banaadir iyo metelaada 7-da xubnood ah ee la sheegay in laga siinayo Aqalka Sare.

Xubnaha shirka ka qeyb galaya waxaa ka mid ah wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur, wasiirka Ganacsiga, wasiiru dowlaha Gaadiidka, wasiir ku-xigeenada Dekedaha iyo Dhalinyarada, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa Howlaha Guud iyo Maaliyadda gobolka Banaadir.

Guddiga wadajirka  ah ee baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha dhameystirka sharciga doorashooyinka dalka ayaa todobaadkan shaaciyey in gobolka Banaadir Aqalka Sare looga qoondeeyay todoba kursi oo ku imaanaya nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5.

In metelaadda gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka Sare lagu qeybiyo 4.5, ayaa ka dhigan in dhamaan beelaha Soomaaliyeed ay si siman u qeybsan doonaan qoonda uu gobolka Banaadir ka helo kuraasta dowladda federaalka.

Arrintaas ayaa dhalisay inay iska soo daba dhacaan digniino ku aadan in aan la xaqirin dadka reer Muqdisho iyo in aan gobolka Banaadir laga abuurin kacdoon dadweyne.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mas’uuliyiinta ka halay arinta maqaamka Muqdisho ayaa guddiga isku dhafka ah ee ka kala socda Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee gobolka Banaadir u soo qoondeeyay 7-da xubnood ku tilmaamay mid baal maray dastuurka dalka, isla markaana marin habaabinaya dadka Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dadka dega gobolka Banaadir ay canshuur bixiyeyaal yihiin, isla markaana aysan sax aheyn in niyadda laga dilo, isla markaana guddiga soo saaray arintaan ay ka shaqeynayaan in laga hor yimaado dowladda federaalka oo kacdoon shacab uu dhaco.