Wafdi wasiiro ah oo gaaray Sh/Hoose

Marka (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas ay gaareen wafdi ka socda dowladda Soomaaliya.

Wafdiga oo ka tagay magaalada Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminaya wasiirka gaashandhigga ahna wasiirka arrimaha ammaanka Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud, waxaa kaloo wafdiga ka mid ah guddoomiyaha gudaha dib u heshiisiinta.

Wafdiga ayaa markii ay tageen magaalada waxay kulamo la qaateen mas’uuliyiinta gobalka iyo odayaal dhaqameedyo waxaana ay kala hadleen siddii loo damin lahaa colaada ka aloosan gobalka Shabeellaha Hoose.

Waxay kaloo kulamo la lee yihiin saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Marka.

Mas’uuliyiinta gobalka ayaa sheegay in wafdiga ay sidoo kale la kulmi doonaan odayaal iyo wax garad ka soo jeeda maleeshiyo beeleedyada ku dagaallamay gobalka Shabeellaha Hoose.

Magaalada Marka waxaa toddobaadkii hore tagay wafdii uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaah gudaha iyo arrimaha fedaraalka Cabdullaahi Goodax Barre in kastoo safarkii ay ku tageen Marka uu ahaa mid guul darestay.

Waa wafdigii labaad oo muddo toddobaad ah taga magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose adaxda dowladda.

Waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya aaney xal u helin dagaallada ka aloosan gobalka Shabeellaha Hoose kaasoo geestay khasaaro dhimmasho iyo dhaawac iyo dad badan ay ku barakaceen.

Caasimadda Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com