Wafti wasiiro ah oo ka socda DF oo ku sugan Puntland iyo ujeedkooda oo…

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka xananada xoolaha iyo dhirta DF Saalim Caliyow Ibrow ayaa shalay lagu soo dhaweeyay magalada Gaalkacyo isaga iyo xildhibaan la socday.

Socdaalka Ibrow ee Puntland ayaa salka ku haya sidii loogu kuur gali lahaa xaalada ay ku sugan yihiin xoolaha iyo daryeelka dhirta si looga nabadgalo in dalku uu nabad guur uu ka dhaco waxa uu sheegay imaanshaha Puntland inay muhiimad u lee dahay.

”Waxaan u nimad Puntland sidii aan ugu kuur gali lahayn xoolaha caafimaad kooda iyo daryeelkooda si hadhowdii aan uga tashano sidii wax looga qaban lahaa,waxan kaloo u soconaa Garowe inaan ka furmo barnaamij lagu hormarinayo xoolaha iyo wax kasta oo la xariira hormarka xoolaha”

Garoowe ayuu masuulkan kusoo wajahan yahay, balse xiriirka Puntland iyo DF ayaa wali go’an mana jirto ilaa iyo hada si toos ah oo loo shaaciyay in laga wada heshiiyay arrimihii la isku hayay ee ku fadhiyay dastuurka dalka.

Wasiirka Qorshaynta Siciid Cabdilaahi Dani ayaa horey u xaqiijiyay in uu wanagsan yahay xiriirka Puntland iyo DF taasoo meesha ka saaraysa arrimihii la isku hayay.

ayn halka ay shaqadda Dastuurka ka bilaabayaan maadama si wayn looga warqabo xaalada labada dhinac meesha ay marayso.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com