TALYAANIGA oo qaatay go’aan adag oo laga cabsi qabo in Soomaali badan…

Italy (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha gudaha ee Talyaaniga Angelino AlFano ayaa soo saaray digniin ku aadan maraakiibta ka howlgasha xeebaha dalkaasi inay joojinayaan badbaadinta dadka tahriibayaasha ah, haddii midowga Yurub uusan door ka qaadan.

Wasiirka arimaha gudaha ee Talyaaniga ayaa sheegay inay dowladiisa aysan jecleyn in dadka ay ku dhintaan biyaha badda laakiin aysan sii wadi doonin inay gaaf wareegaan xeebaha dalka Libya, oo ah bad baadiyaan dad, taasina ay go’aan kama dambeys ahka qaateen.

Wax yar kadib markii hadalkaasi uu jeediyay wasiirka arimaha gudaha ee dalka Talyaaniga waxaa magaalada uu ku sugnaa gaaray markab laga leeyahay dalka Kuwait kaasi oo waday 356 ruux oo muhaajiriin lasoo badbaadiyay ah.

Sidoo kale waxaa markabkaasi saarnaa muwaadin u dhashay Syria oo ku dhintay biyaha badda oo ciidamada markabka la socda ay soo badbaadiyeen.

Sidoo kale ciidamada badda ee Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay ku dhawaad 39 ruux, waxaana jirta baqdin laga qabo in dadka ku dhintay biyaha ay kordhaan.

Wasiirka arimaha gudaha Talyaaniga Mr Alfano ayaa hadalkaanka jeediyay isagoo ku sugnaa magaalada dekada leh ee Pozzallo ee dalka Talyaaniga halkaasi oo laga dajiyay tahriibayaasha cusub ee laga badbaadiyay biyaha u dhaxeeya Talyaaniga iyo Libya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Rome

Caasimada@live.com