Wakiilada beesha caalamka ee Muqdisho oo mar kale ka shiraya xaaladda dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in markale ay kulan gaar ah ka yeeshaan xaaladda adag ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha soo kordhay ee is mari-waaga siyaasadda iyo doorashooyinka.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa qaban-qaabinaya ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo kaashanaya qaar kamid ah safiirada dalalka qaar, sida UK.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha beesha caalamka ay kulankan uga hadlayaan xaaladda cakiran ee dalka iyo diidmadooda muddo kororsiga uu sameeyey golaha shacabka.

Sidoo kale wakiilada beesha caalamka ayaa sidoo kale go’aan ka gaaraya tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan, si xal loogu helo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa horey u shaacisay inay kasoo horjeedo muddo kordinta loo sameeyey dowladda, iyadoo ku baaqday in dib loo bilaabo wada-hadalladii fashilmay.

Si kastaba Soomaaliya ayaa wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah oo ka dhalatay tallabaadii baarlamaanka, taas oo ay sidoo kale ka horyimaadeen maamullada qaar iyo mucaaradka.