Sawirro: GALMUDUG oo ciidankii ugu badnaa geysay koonfurta Mudug + Ujeedka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay Galmudug ay ciidamadii ugu badnaa geysay koonfurta gobolkaasi, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka bilaabay duleedka magaalada Wisil.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa daraawiishta maamulkaasi ayaa lagu soo warramayaa inay fariisimo cusub ka sameysteen deegaano dhaca koonfurta gobolka Mudug.

Ujeedka dhaq-dhaqaaqyadan ay Galmudug ka billowday gobolka Mudug ayaa waxaa lagu sheegay in looga hortegayo weeraro ay Al-Shabaab kasoo abaabulaan halkaasi.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay booqdaan gudaha deegaanadaasi mas’uuliyiin uu hoggaaminayo wasiirka amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi, si ay iyana qeyb uga noqdaan gulufka ka dhanka ah dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale baqdin iyo wal-wal ka muujinayo in dagaal uu ka qarxo halkaasi, maadaama ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa Galmudug ay wajaheysay weeraro uga imaanayey dhanka Al-Shabaab oo weli ku sugan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug.