Hal sabab oo madaxweyne Farmaajo ‘ku qasbeysa’ inuu aqbalo go’aankii M/Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in go’aanka Midowga Afrika ee la xiriira ismari-waaga siyaasadeed ee Soomaaliya uu ahaa mid adag, marka loo fiiriyo habka ay uga hadleen, taas oo ah wax aan horey looga fileynin, sidaas oo ay tahayna madaxweyne Farmaajo uu ku qasban yahay inuu qaato. 

Dr. Jibriil Cali Aw Maxamed, oo wax ka dhiga jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay in arrintaan ay waji gabax ku tahay dowladda Soomaaliya.

“Runtii, marka hore dowladda Soomaaliya arrintaan waxay ku tahay waji gabax, waayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isaga ayaa u safray dalka DR Congo, si uu ula kulmo guddoomiyaha Midowga Afrika, isaga ayaana codsaday in Afrika ay arrinta soo kala dhex gasho,” ayuu yiri Jibriil oo BBC-da u waramayay.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ay soo dhoweyneyso in Midowga Afrika uu qaato dowrka fududeynya, si saamileyda siyaasadda ee dalka ay uga heshiiyaan hannaanka doorashada xilligeedii la soo dhaafay.

Arrintan waxay soo baxday kaddib markii, dhawaan wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, uu booqasho ku tegay caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Kinshasa, halkaasi oo uu kula kulmay dhiggiisa, Madaxweyne Felix Tshisekedi, oo haatan ah guddoomiyaha Midowga Afrika.

Dr Jibriil Cali Aw Maxamed ayaa qaba in booqashadii Madaxweyne Farmaajo ee Congo, iyo kulankaas uu dhigiisa la yeeshay, ay qasbayso in uu hadda u hoggaamsamo warka ka soo baxay Midowga Afrika.

“Haddii dowladda ay ku adkeysan lahayd ‘innagu dal qaran ah ayaan nahay oo hay’addaha yaga ayaa wax maareeynaya innagaa heshiineyna’, waa laga haybsan lahaa, laakin maadama uu qoor dhiibtay oo uu yiri ‘Afrika ayaa arrinta fududeynaysa’ hadda wuxuu ku qasban yahay madaxweynaha inuu raaco,” ayuu yiri Jibriil.

Si kale, haddii loo dhigo hadalka Jibriil ayaa ah in Farmaajo uu sheegay inuu ku qanco xal Afrikan ah, haddana xalkii Afrika uu noqday inuu la diido muddo kororsigiisa.