Warbixin: Ergeyga la filayo in M/Afrika uu soo diro iyo qalad siyaasadeedkii Farmaajo

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa la filayaa inuu dhowaan ergey cusub oo gaar ah usoo magacaabo Soomaaliya, si uu dhex-dhexaadiyo saamileyda siyaasadda dalka, kadib go’aankii kasoo baxay Golaha Nabdda iyo Ammaanka ururka.

Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa Caasimada Online u sheegay in ergeygan laga yaabo inuu noqdo madaxweynihii hore ee dalka Sierra Leone Ernest Bia Koroma, isaga oo taageero ka helaya qaar ka mid ah dalalka Galbeedka Afrika oo magacaabistiisa aad ugu ololeynaya, sida Nigeria, Ghana, Sierra Leone iyo Senegal.

Dalal oo u badan kuwa waqooyiga Afrika ayaa iyana u ololeynaya xoghayihii hore ee Jaamacadda Carabta Camr Mussa, inkasta oo ay u badan tahay in loolanka xilkan uu ku adkaado Ernest Bia Koroma.

Go’aanka Midowga Afrika ayaa yimid kadib markii Farmaajo uu ka codsaday madaxweynaha dalka DR Congo, ahna guddoomiyaha Midowga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi inuu dhex-dhexaadiyo Soomaalida, hase yeeshee dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa sheegaya in Farmaajo uusan marnaba fileyn qaraarkii adkaa ee Midowga Afrika ee sida weyn loogu cambaareeyey muddo kororsiga.

Wargeyska Afrika Intelligence ayaa qoray in Kenya, oo ay xiisad kala dhaxeyso Farmaajo, ay kaalin weyn ku laheyd in Felix-Antoine Tshisekedi uu ku guuleysto xilka guddoomiyaha Midowga Afrika, ayada oo Uhuru Kenyatta uu booqday Kinshasa, maalin kadib markii uu kasoo laabtay Farmaajo, taasi oo ay suurta-gal tahay in Kenya ay kaalin ka cayaartay jabkii siyaasadeed ee uu Farmaajo kala kulmay Midowga Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaraarka kahor ka digtay in Kenya iyo Jabuuti ay faro-gelin ku hayaan go’aanada Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika, hase yeeshee dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa rumeysan inay aheyd diblomaasiyad xumo iyo garasho la’aan siyaasadeed in Farmaajo uu fahmi waayo waxa ka dhaxeeya Uhuru Kenyatta iyo Felix-Antoine Tshisekedi, kahor inta aanu tegin Kinshasa.

Eregyga cusub ee Midowga Afrika ayay suurta-gal tahay inuu horseedo in Farmaajo uu xilka isaga tago. 

Sidan oo kale, ayaa sanadkii 2010 waxay Midowga Afrika ergay gaar ah usoo magacaabeen Soomaaliya kadib markii barlamaankii xilligaas uu samaystey muddo kororsi, ergeygaas oo ahaa madaxweynihii hore ee Ghana Jerry Rawlings. Xilligaas ayaa waxaa dalka ra’iisul wasaare ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dadaalladii Jerry Rawlings ayaa ku dhameeyey heshiiskii Kampala Accord ee uu ku baxay Farmaajo.