Wakiilka cusub ee Taiwan ay usoo dirtay Somaliland oo kulamo ka bilaabay Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Wakiilka cusub ee Taiwan usoo magacowday Somaliland, kadib heshiiskii is-afgarad ayaa maanta magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay Wasiirka waxbarashada Somaliland.

Lou Chen-hwa, Wakiilka Taiwan ee Somaliland ayaa kulan la qaatay Wasiirka iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada waxbarashada, iyada oo kulankaasi ku wehlinayay ku-xigeenka wakiilku.

Kulankaasi ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee waxbarashada, iyada oo si gaar ah diirad loogu saaray sidii ay Taiwan uga caawin laheyd ardeyda reer Somaliland sidii ay u heli lahaayen deeqo waxbarasho.

Waxaana dhawaan la filayaa in xukuumada Taiwan ay deeqo waxbarasho siiso ardey reer Somaliland ah, kuwaasi oo u safri doona Jasiiradan sheegata inay ka go’day shiinaha.

Somaliland iyo Taiwan ayaa hore u kala saxiixday heshiis iskaashi oo uu qeyb ka yahay arrinka waxbarashadu, midaasi oo maanta si rasmi ah loo bilaabay dar-dar gelinteeda.

Lou Chen-hwa ayaa hore u ahaa wakiilka Taiwan u qaabilsan dalka Sacuudiga, iyada oo dhawaan xili uu ku sugnaa Hargeysa loo magacaabay xilkan cusub ee ka dhashay heshiiska is-afgarad.