DF oo ‘wafdi xaqiiqo raadin ah’ u direysa Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in guddi xaqiiqo raadin ah u direyso magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, xili ay shalay garoonka magaaladaasi ay diyaaradi ku bur-burtay.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya ayaa hogaaminaya wafdigaasi oo baaritaan ku soo sameyn doona sababta ka dambeysay bur-burka diyaaradasi oo aheyd nooca xamuulka, isla markaana siday gar-gaar bini-aadatinimo.

Wasiir Oomaar iyo wafdigiisa ayaa ka dagi doona magaalada Beledweyne, iyaga oo kulamo la qaadan doona mas’uuliyiinka gobolka Hiiraan iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah kuwa AMISOM ee ku sugan Beledweyne.

Guddigan ayaa waxay u baaritaan qoto dheer ku sameyn doonaan sida ay ku bur-burtay diyaaradaasi iyo sababta rasmiga ah ee horseeday inay diyaaradu dhacdo oo uu dab ka kaco.

Wafdigan lagu sheegay xaqiiqa raadinta ee tagaya Beledweyne ayaa kusoo aadaya xili ay soo baxayso in diyaaradaasi bur-burkeeda uu sabab u ahaa Dameer, kaasi oo soo galay dhabaha diyaaraduhu ku ordaan.

Mareeyaha guud ee diyaaradaasi ayaa warbaahinta u sheegay in bur-burka diyaaradu ay timid kadib markii si lama filaan uu Dameer u soo galay dhabaha diyaaradaha, xili ay diyaaradu soo cago dhiganeysa garoonka.