Walaac xoog leh oo soo food saaray musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha sanadkaan u ordaya inay qabtaan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya waxaa soo wajahday xaalad dhaqaale xumo oo aad u daran.

Labadii doorasho ee ugu dambeysay ee ka dhacday Soomaaliya waxaa ku baxday lacag xoog leh oo ka timid dalalka Carabta ee danaha qarsoon iyo kuwa muuqda ka leh dalkaan dhaca Geeska Africa ee Soomaaliya, balse sanadkaan 2021-ka waxaa jira walaac xooggan oo dhanka dhaqaalaha ah.

Sida ay noo xaqiijiyeen dhowr musharax, illaa hadda ma jiro musharax madaxweyne oo lacag kasoo helay dal Carbeed oo xattaa uu ku jiro madaxweynaha xafiiska weli fadhiya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Musharixiinta qaar oo ballan qaad heystay ayaa dhowr jeer safaro qarsoon iyo kuwa la ogyahay ku tagay dalalka la filayo inay wax uun ku bixiyaan doorashada Soomaaliya ee sanadkaan 2021-ka, sida Qatar, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Dowladda Masar iyadu waa dalaal, Kenya oo iyadana gacan weyneyn ayaa la xaqiijiyey inay dhowr musharax wareysiyo ka qaaday.

“Illaa hadda ma jiro musharax lacag lasoo siiyey, waxaana sanadkaan macquul ah inaan waxba laga soo helin wadamada Carabta oo lagu dagaalamo lacagaha gudaha,” ayuu yiri mid kamid ah musharixiinta xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Haddii ay dhacdo in lagu tartamo lacagaha gudaha waxaa fursad fiican heli doona ganacsatada gudaha oo saami fiican ku yeelan doonta dowladda imaan doonta.

Qabiillada qaar ayaa iyagana bilaabi kara inay deg deg lacag u aruuriyaan si ay musharax u dhisaan, maadama haddii dhaqaale Carbeed la waayo ay yaraan doonto lacagta ay u baahnaan doonto doorashada.

Musharixiinta qaar ayaa dalka isaga cararay oo cag soo dhigi waayey, iyagoo diidan in la ogaado dhaqaalo la’aanta heysa. Qaar waxaa la sheegay inay tartanka uga hareen dhaqaale xumo awgeed, balse ay diidan yihiin in si rasmi ah loo ogaado dhuumashadooda, halka qaar ay ku shaqeenayaan illaa hadda lacago la sheegay inay yihiin deymo laga qaaday ganacsato gudaha dalka ku nool.

Illaa laba musharax oo kala fikir duwan ayaan ka xaqiijinay in musharixiinta hadda dhaq-dhaqaaqa wada ay isugu jiraan, kuwo markoodii hore dhaqnaa iyo kuwa ganacstada gudaha deyn ka qaatay, si ay u sugaan lacago ka yimaada dibadda.

Walaaca ku saabsan in carabta sanadkaan lacag bixin weyso ama ay aad u koobto dadka ay wax siin doonto waa mid aad u xooggan. Musharixiinta qaar waxaa la xiray xarumahoodii doorashada, kadib markii ay dhaqaala xumo haleeshay.

Maxaa sababay caga jiidka dhinaca Carabta?

1- Hubanti la’aanta doorashada

Dhowr jeer ayuu fashilmay jadwalka doorashada Soomaaliya, dalalka Carbeed ee lacagaha sharci darada ah ku bixiya doorashada Soomaaliya waxaa u sawiran inaan la isku haleyn karin kooxaha maamulayo doorashada Soomaaliya oo awooda inay si weyn doorashada usii daahiyaan.

2- Doorashada iyo Mareykanka

Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay inay si weyn u cadaadineyso dowladaha Carabta ee lacagaha ku bixiya doorashada Soomaaliya.

Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa si gaar ah isha ugu hayo lacagaha sida musuq-maasuqa ah loogu burburinayo hufnaanta doorashooyinka Soomaaliya, waxaana Carabta lagu wargeliyey inay joojiyaan dhaqankaas.

Waxaa macquul ah ayaa la leeyahay inay arrintaas si weyn u saameyso oo ay dhaqaalaha yareeyaan, diidaan, ama soo koobaan dadka ay wax siinayaan iyagoo adeegsanaya dariiqyo kale oo qarsoon.

3- Doorashadii 2016 iyo xilligii Farmaajo

Dalalka Carabta qaar waxaa niyad jab ku ah sidii loo maareeyey lacagihii laga soo qaaday intii ay socotay doorashadii sanadkii 2016 kuwaas oo la sheegay inay shaqsiyaad gooni ah jeebka isaga shubteen oo aan lagu qaban ujeedooyinkii ay u bixiyeen.

Waxaa kaloo jira lacago laga soo qaaday intii uu jiray maamulka madaxweyne Farmaajo kuwaas oo qaar dhanka Dowladda mareen qaarna dhanka mucaaradka mareen si xukunka Farmaajo loo rido, iyadana sidii la rabay looma maareyn. Dhammaan waxyaabahaas waxay muujiyeen kala aamin bax weyn.

Haddii lacag laga soo waayo Carabta waxaa la isugu soo laaban doonaa gudaha waana kooban yihiin musharixiinta gudaha wax ka heli kara oo ay aamini karaan ganacsatada Soomaaliyeed ama Qabiilada.