Mucaaradka Tigray oo xulufo la sameystay Oromada kuna dhowaaqay qorshe xasaasi ah

Mekelle (Caasimada Online) – Ciidamada Tigray-ga Ethiopia ayaa xulufo la sameystay mucaaradka Oromada ee sidoo kale dagaalka kula jira dowladda dhexe, sida uu sheegay afhayeen u hadlay.

Afhayeenka Tigray-ga Getachew Reda ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qorshahooda uu yahay inay u dhaqaaqaan dhaanka Addis Ababa si ay u qabsadaan magaalada caasimadda ah, haddii laga fursan waayo.

“Waxaan xulufo la sameysanay oo aan xiriirnay OLF/OLA, waxaana haddii inaan ku guuleysanao hadafkeena uu qasbayo inaan u dhaqaaqno Addis Ababa, aan sameyn doonaa sidaas. Balse hadda ma oraneyno waan u jiheysaneynaa,” ayuu yiri afhayeenka TPLF Getachew Reda.

Midowga Tigray-ga ay la sameysteen Oromada oo ah qowmiyadda uga tirada badan Ethiopia, waxaya xoojin doontaa awoodda ay ku halis gelin karaan caasimadda. 

Ciidamada Tigray ayaa sheegay inay gudaha usii galeen koonfurta gobolka deriska la ah ee Amxaarada, oo ay qabsadeen magaalooyin dhowr ah, inkasta oo dowladda ay beenisay arrintaas.

Dhinaca kale, xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa walaac ka muujiyey siqitaanka ay sameeyeen Tigray-ga.

“Dagaal sii daba-dheeraada wuxuu dheereyn doonaa xasaradda bani’aadaminimo ee waqooyiga Ethiopia. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan howlgallada militari ayna billaabaan wada-hadallo xabad-joojin oo aan lagu xerin wax shuruud ah,” ayuu yiri. 

Ciidamada Tigray-ga ayaa Axaddii ku dhowaaqay inay qabsadeen magaalada muhiimka ah ee Kombalcha, taasi oo timid maalin kadib markii mucaaradka ay sheegeen inay qabsadeen Dessie.

Dagaalka magaalada Kombolcha, oo ku taalla koonfurta Dessie, ayaa abuuray hadal ku saabsan in TPLF ay ku wajahan yihiin magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Isla maalinkaas, qoraal uu soo dhigay facebook, ayaa ra’iisul wasaare Abiy Ahmed wuxuu shacabka Ethiopia ugu baaqay inay “qaataan nooc kasta oo hub ah oo ay heli karaan, si ay joojiyaan kooxda TPLF.”

“Inaan Ethiopia u dhimano waa waajib dhammaanteen na saaran,” ayuu yiri isaga oo ku celinaya hadal ay horey u jeedisay dowladda gobolka Amxara.

Maamulka Amxara — oo magaalooyinka Kombolcha iyo Dessie ay ku yaallaan – ayaa Axaddii soo saaray wareegto lagu amray in dhammaan hay’adaha dowladda ay joojiyaan adeegyada caadiga ah, ayna miisaaniyaddooda iyo dareenkooda u weeciyaan “olole badbaado ah.”

Qeybo kale oo ka mid ah gobolka Amxara, mucaarad ka yimid Oromia oo xulufo la ah TPLF ayaa iyagana sheegtay inay qabsadeen dhul ay ka saareen ciidamada dowladda.

Xaaladda Ethiopia ayaa u muuqata mid weji cusub yeelatay, waxaana suurta-gal ah in marka la eego dardarta ay ku socdaan TPLF, dib ula wareegaan waddanka oo idil, kadib guul-darrooyinb isdaba joog ah oo gaaray ciidamada Abiy Ahmed.