Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka maanta ka socda magaalada GURICEEL

Guriceel (Caasimada Online) – Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa lagu soo warramayaa inuu goordhow ka qarxay dagaal u dhexeeyo ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda iyo xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca ee ku sugan magaaladaas.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa billowday saaka aroortii hore, waxaana weli socota rasaasta iyo hubka ay is-weydaarsanayaan labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay qaadeen dagaalka, isla-markaana ay dhowr jiho ka weerareen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xaaladdu ay cakiran tahay, isla-markaana uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaasi, walow  la xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale wararka qaar ayaa intaasi ku daraya in ciidamada huwanta ay gudaha u galeen xaafado ka tirsan magaaladaasi,. gaar ahaan xaafadaha Sagal iyo Towfiiq.

Ciidamadda ayaa sidoo kale lagu arkayaa xaafadda Waaberi iyo xarunta degmadda ilaa Shiikh Salaad Xeydar oo dhanka bari ah.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Galmudug iyo Ahlu Sunna oo ku aadan dagaalkaasi iyo khasaaraha ka dhashay.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa Guriceel ka jiray dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda, waxaana xiisaddan ay ka dhalatay dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna Waljamaaca oo dhowaan la wareegtay gudaha magaaladaasi.