Qaramada Midoobay oo ka deyrisay xaaladda TIGRAY

Mekele (Caasimada Online) – Qaramada Midoobey ayaa walac ka muujisay xaaladda bani’aadanimo ee sii xumaaneysa ee ka jirta gobolka Tigray ee dalka Itoobiya kaddib markii ay sii xoogeysatay colaadda ku dhawaad muddada sanadka ah halkaasi ka socotay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegayta in malaayiin qof oo reer Itoobiya ah ay halis ugu jiraan nafaqadarro, halka qaar kale oo badanna ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo deg deg ah.

Digniintan ayaa timid saacado uun kaddib markii mid ka mid ah diyaaradaha Qaramada Midoobay ay ku adkaatay in ay ku degto magaalada Mekelle oo ay ku khasbanaatay in ay si deg deg ah ugu laabato magaalda Addis Ababa, sababo la xiriira duqeymo dhanka cirka ah oo ciidamada dowladda ay wadeen qeybo ka mid ah magaaladaasi.

Dhacdadaasi kaddib, Qaramada Midoobey waxay joojisay gebi ahaanba duulimaadyadii ay ku tagi jirtay gobolkaasi Tigreeda ee ay colaadda la degtay.

Gemma Connell oo ka tirsan xafiiska arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee OCHA, ayaa sawir xun ka bixisay xaaladda ka jirta gobolkaasi Tigraay.

“Sida ay tahay maanta, waxaa waqooyiga Itoobiya ku nool ku dhawaad toddobo milyan oo qof oo aad ugu baahan gargaar bani’aadannimo. Waxaa ka mid ah in ka badan shan milyan oo qof oo ku nool gobolka Tigray, labada milyan ee kalena waxay ku kala qaybsan yihiin Amxaarada iyo Canfarta,” ayay tiri Gemma Connell.

Waxay sheegtay in ay jiraan “dad badan oo guryahooda ka barakacay in kabadan hal mar, iyaga oo yaacaya ayay noqdeen hoy la’aan. Waxaan arangay heerar nafaqo -darro oo ba’an oo maalin walba kor usii kacaysa, taas oo aan ku koobnayn carruurta oo keliya. Dumarka Tigray -da ayaa hadda nafaqadarro ba’an haysataa.”

Dowladda Itoobiya ayaa ku doodeysa in diyaaradaheeda ay bartilmaameedsanayeen xarun tababar oo ay adeegsadaan falaagada Tigreega.

“Bartilmaameedku wuxuu ku saabsan yahay xarunta tababarka sharci-darrada ah oo ay hore u isticmaali jireen saldhigga taliska woqooyi laakiin hadda ay ku shaqayso kooxdan argagixisada ah si ay u qaadato tababar milatari oo loogu talagalay dadka ay qortaan ee sharci-darrada ah iyo meelaha kale ee u adeegaya,” ayuu yiri.

BBC