Sawirro: Guddi uu Rooble magacaabay oo magaalada Kismaayo gaaray + Ujeedka

Kismaayo (Caasimada Online) – Saacadihii u dambeeyey waxaa magaalada Kismaayo gaaray wafdi wasiirro ah oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu u xil-saaray in ay hoggaamiyaan gurmadka lagu samata bixinayo dadka ay sameeyeen abaaraha ka jira deegaanada Jubbaland, waxaana ka mid ah wasiirka maaliyadda, wasiirka caafimaadka, wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno kale.

Wafdigaas ayaa u kuurgalaya xaaladaha nololeed ee dadka reer Jubbaland oo abaaro adag wajahaya, waxayna la kulmeen madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo guddiga abaaraha ee Jubaland, oo ay ka dhageysteen warbixin ku saabsan heerka iyo saameynta abaartu ku yeelatay dadka iyo duunyada ku nool deegaanada maamulkaas.

Wefdiga ayaa sidoo kale dowlad goboleedka Jubaland gaarsiiyay deeq dawo ah oo hordhac u ah gurmadka ay dowladda federaalka u qoondeysay in lagu caawiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee reer Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maalin ka hor ka hadlay abaarta ku dhufatay deegaanada Jubbaland ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kaalin ka qaataan gurmadka walaalahooda ay abaaburuhu daashadeen ee haatan wajahaya xaaladaha adag.

Sidoo kale hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamka ayuu Rooble ugu yeeray in ay deg deg ugu gurmadaan dadka abaaruhu aafeeyeen ee ku nool Jubaland iyo guud ahaan deegaanada kale ee dalka ee abaaruhu saameeyeen.

Gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo oo la isku yiraahdo Jubbaland, waxaa ku dhufatay abaar xoog leh, maadaama si fiican aysan uga di’in xiili roobaadyadii u dambeeyey, waxaana ku naf waayey abaarta duunyo aad u badan, iyadoo nolosha dadkana aad looga deyrinayo.

Dadka sida dhow ula socda xaaladda Jubbaland, waxay qabaan in cunaqabateyntii dhaqaale iyo xayiraadihii duulimaadyada diyaaradaha ee dowladda dhexe ay saartay Jubbaland intii uu jiray khilaafkii Farmaajo kala dhexeeyey Axmed Madoobe ay saameyn xun ku reebtay shacabka ku nool gobollada Jubbaland.

Laba maalin ka hor Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Kismaayo ka sheegay in khilaafkii kala dhaxeeyey dowladda dhexe uu si weyn u saameeyey dhismaha dowladnimada Jubbaland, bixinta adeegyadii looga baahnaa maamulkiisa iyo daadejinta nidaamka dowliga ah, balse hadda uu qorsheynayo in wax badan uu ka bedelo hanaanka maamul ee ka jira Jubbaland.