Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabab

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab oo kaashanaya daraawiishta Jubbaland ay howl-gallo culus ka sameeyeen gobolkaasi.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka sameeyeen deegaanada Hiloshiid, Janay Cabdale, Kubokibir, iyo deegaanka Canjeel oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dagaalyahanada hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay howl-gallada ayaa shaaca ka qaaday inay dileen illaa saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday inay si wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay haatan ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda deegaanada ay howl-gallada ka socdaan ayaa ah mid kacsan, waxaana ka jira dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda, kuwaas oo ay wadaan labada dhinac.

Maalmihii dambe ciidamada huwanta oo ay qeyb ka yihiin kuwa AMISOM ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland.