Wararkii u dambeeyay qarax ka dhacay magaalada Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasi oo la sheegay inuu ka dhacay guriga Sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland.

Qaraxa ayaa ahaa miino lagu aasay darbiga guriga sarkaal Puntland u qaabilsan dhanka Buuraha Galgala oo ku yaala magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Dadka deegaanka oo ku sugan magaalada Boosaaso waxay sheegayaan in qaraxa uu burbur u geystay guriga sarkaalka, waxaana la maqlayay rasaas ay ridayeen ilaaladiisa qaraxa kadib.

Halka qaraxa uu ka dhacay oo ah barta laga galo Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, waxaa tagay Ciidamo katirsan Booliiska Puntland oo xiray waddooyinka, iyaga oo halkaasi baaritaano ka bilaabay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Puntland ee tagay goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa xaqiijiyay in ay jiraan Khasaare ka dhashay Qaraxaasi, islamarkaana uu burburiyay guriyo ku dhawaa goobta uu ka dhacay.

Wali laamaha Ammaanka maamulka Puntland faahfaahin kama bixin Qaraxa xalay ka dhacay Boosaaso, waxaana ay sheegeen in baaritaanka kadib ay saxaafadda la wadaagi doonaan waxyaabaha kasoo baxa.

Qaraxa ayaa ahaa mid xoogan oo si weyn looga maqlay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com