Trump oo aflagaadeeyey wariye waydiiyey su’aal yaab leh oo ku aadan Putin

Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareeykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu la hadlay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin islamarkaana ay wada qaateen muddo saacad ku dhow, waxyaabihii ay wada hadleen wuxuu sheegay in ay ka mid ahayd qiyaanadda Ruushka.

“Waxaan la yeeshay Putin wada sheekeeysi dheer oo aad u wanaagsan” ayuu bartiisa Twitter-ka.

Madaxweyne Trump ayaa caayay wariye weeydiiyay haddii uu Putin uga digay in uu faragaliyo doorashadda Mareykanka ka dhici doonta Sanadka 2020. “Waad edeb darantahay, waxaasna kama aanan wada hadlin” ayuu yiri Trump.

Waa markii ugu horeeysay ee Madaxweynaha Mareeykanka uu uu la hadlo dhiggiisa Ruushka tan iyo markii uu dambi la’aan ku tilmaamay Baarihii gaarka Rupert Mueller oo baaray haddii Trump iyo ruushku ay wada xiriireen ka hor Doorashaddii dhacday Sanadkii 2016kii.

Caasimada Online
Xafiiska Washington 
Caasimada@live.com