Wararkii ugu dambeeyay baarista afgambigii 27-ka December iyo guddiga oo maanta tallaabo qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii uu dhawaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay inay baaris dhab ah ku sameeyan ciddii ku lugta laheyd af-gambigii fashilmay ee 27-kii December 2021 ayaa maanta la kulmay Taliyaha ilaalada Madaxtooyada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Guddiga ayaa waxay Taliyaha ilaalada Madaxtooyada, Korneyl Xasan Dhicis su’aalo ka weydiiyen baaritaankooda la xiriira afgambigii lagu qaaday hay’addaha dastuuriga ee dalka.

Sidoo kale waxay guddiga su’aalo weydiiyen saraakiil kale oo ka tirsan Guutada 77-aad ee ilaalada Madaxtooyada.

Kulanka wareysiga ah ee la xiriiray baaristii loo xil saaray guddiga ayaa waxa uu goordhoweyd ka dhacay xarunta wasaaradda warfaafinta, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Guddiga ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waday su’aalo weydiin iyo xog uruurin ku aadan dhacdadii 27 December ka dhacday gudaha Madaxtooyada, taasi oo la fahamsan yahay in uu ka dambeeyay madaxweynihii hore Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Guddiga baarista afgambigii fashilmay ayaa waxa uu Ra’iisul Wasaaraha uu magacaabay 1-dii bishaan, ayada oo magacaabistood u cuskaday go’aan ay si wada-jir ah u gaareen golaha wasiirada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hore u faray xubnaha guddigaan inay baaristooda ku soo gaba-gabeeyaan muddo todobaad ah, taasi oo ka bilaabaneysa maalintii la magacaabay oo ay kasoo wareegtay afar maalmood.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii