Guddoomiyihii is-casilay ee gudiga doorashada Puntland oo shaaciyey arrimo qarsanaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii guddiga doorashada Puntland, Guuleed Saalax Barre oo dhawaan iska casilay xilkaas ayaa maanta shaaciyey in doorashada qof iyo cod ee Puntland ay ku gadaaman yihiin caqabado hor leh.

Waxa uu sheegay in dhaqaalihii loo qoondeeyay guddiga uu maamulka iska diiday, ayada oo illaa hadda aan la dhaarin golaha deegaanka cusub ee maamulkaas uu ku tijaabiyay doorashada qof iyo cod ee qaar kamid ah deegaanada maamulkaas.

“Labadaas sano iyo barkaas qeylo ayaa ku jirnay waa daalnay. Suurta-gal maaha dadkii la doortay ee xeerka iyo nidaamka qorayaan in waqti go’an lagu fariisiyo illaa maanta ay banaanka wareegayaan, sidee umadda uga gadi karaa qeybtii kale ayaa la galayaa,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Deni isku fahmi waayeen qaabka loo maareynayo doorashooyinka, isaga oo ka gaabsaday in uu si faah-faahsan uga hadlo qoddobada ay isku qabteen madaxweynaha.

“Siddee suurta-gal u tahay in aan sii wadno barnaamijka (doorashada) ayada oo hay’adihii cadaalada aysan jirin. Maal-gelinta barnaamijka oo intaas ka qeylinaynay in la yiraahdo guddiyo orda dhaqaale raadsada oo aan la’nahay wixii dhaqaale noogu jiray miisaaniyada.”

Waxa uu intaas kusii daray in maamulka Puntland ee uu hogaamiyo Saciid Deni uusan hagran maamulka guddiga ee ayaga ka dambeeyay, maadama sababaha ay isku casileen guddoomiyihii iyo ku-xigeenkiisa ay ahaayeen caqabado iyo cago jiid uga yimid madaxda maamulka.

Puntland ayaa hore ugu faantay doorashada qof iyo cod oo si hordhac ah uga qabsoomtay deegaano kamid ah maamulkeeda, haddana waxaa soo baxaya sida hogaanka sare uga gaabiyay in uu si rasmi ah u taabo-geliyo doorashadaas, ayada oo madaxdii u sareysay guddiga doorashada ay baneeyen jagooyinkii, kadib markii uu waxba la wadi waayay maamulka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii