Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalkii Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb oo ay hareera joogaan saraakiisha ciidamada amniga ayaa markii u horeysay ka hadlay dagaalkii shalay ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhex-maray caasimada maamulkaas.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Geeda Qoroow ayaa shaaciyey inay heshiis kala dhex dhigeen ciidamadii Gorgor iyo kuwa booliska ee shalay iska hor-imaadka uu ku dhex-maray magaalada Dhuusamareeb.

“Ciidamada booliska oo howl-gal ku jira ayay isku dhaceen kuwo ka tirsan Ciidamada Kumaandooska Gorgor, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray in dagaalkii shalay ay ku dhimatay Haweeney ay rasaasta ugu tagtay gurigeeda, halka ay ku dhaawacmeen labo kamid ah askartii dagaalantay iyo burbur soo gaaray gaadiidka ay rasaasta haleeshay.

Guddoomiyaha caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa ugu dambeyntiina sheegay in baaritaanka kiiska dagaal ee shalay ay u xil saareen maxkamadda ciidamada.

Dagaalka shalay ayaa yimid kadib markii askar ka tirsan ciidanka Gorgor ay weerareen saldhigga booliska ee magaalada, halkaas oo lagu xiray askari ka tirsanaa oo la soo qabtay isagoo cabsan, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo dhowr ah.

Waxa uu ku soo aadaya iska hor-imaadka dagaal ee u dhaxeeyay ciidamada Gorgor iyo kuwa booliska, xilli ay maalmihii dambe ciidamada Gorgor ay wajahayeen eedeymo la xiriira khal-khal gelin amni.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii