DF oo halis ugu jirta in lagala wareego maamulka hawada dalka kadib tallaabo ay qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan ka helay Hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaliyeed (Somali Civil Aviation Authority) ayaa sheegaya in maamulka hay’adda ay isku dayayaan sare uqaadida adeegga hawada sare (Airspace Upgrade From Class G to A).  

Isku dayga sare uqaadida adeegga hawada sare ayaa ku soo aaday, iyadoo ay hay’addaha caalamiga eh ee International Civil Aviation Authority (ICAO) iyo International Air Transport Association (IATA) ay ka muujiyeen walaac dhanka badqabka duulimaadka hawada sare (Safety Concerns), taasoo ka dhalatey digniin ah in gabi ahaanba la faray hay’adda duulimaadka rayidka ah ee Soomaaliyeed iney sida ugu dhaqsiyaha badan ku joojiyaan ayna qaataan tallooyinka loo soo jeedinayo, maadaama ay arrintani tahay caqabad dhanka duulimaadka hawada sare ku ah. 

Warbixin dheer oo ay soo saartey ICAO oo ah hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha duulimaadka caalamiga 16-kii bishii December 2021 ayay ku boorisey madaxda maamulka sare ee Somali Civil Aviation Authority in isku dayga sare u qaadida ay ka dhalan doonto walaac weyn oo dhanka badqabka ah, taasoo ah in gabi ahaanba la xiri doono maritaanka hawada sare ee Soomaaliya. 

Warbixintaas dheer kadib, hay’adda IATA ayaa 23 December 2021 sidoo kale u sheegtey Hay’adda Duulista Soomaaliya inay dib udhigaan qorshahan isla markaana ay gabi ahaanba ka saaraan documents ka qaldan ee lagu faafiyey (NOTAM A0123/21). 

Waxaa hore u jirey qorshe sanadkii 2017 shir ka dhacay magaalada Mumbai ee dalka India lagu qorsheeyay in hawada sare ee Soomaaliya lagu wareejiyo dawlado kale ama shirkado gaar ah, hase yeeshee ay fashilmeen.

Arrintan ayaa keeneysa in qorshihi hore ee fashilmey dib loo soo cusbooneysiiyo, iyadoo lagu sababeynayo sare u qaadida adeegga hawada sare, isla markaana ay ka dhalan doonto in ICAO dib ula wareegto maamulka hawada Soomaaliya , taasoo hore looga soo celiyey 28 December 2017.  

6 January 2022 oo ku beegan maalinta berri ayaa la filayaa in uu dhaco Shir aalada foggaan araga ah oo ay soo qaban qaabisey hay’addaha duulimaadka caalamiga ee u qaabilsan Qaramada Midoobey oo loo soo gaabiyo ICAO iyo IATA taasoo lagu martiqaadey ICAO Regional Offices, ICAO headquarter (Montreal, Canada), Air Navigation Bureau,  iyo Airlines-ka. Waxay shirkan la yeelanayaan Maamulka sare ee Somali Civil Aviation Authority (SCAA) si ay ugu sharaxaan sababaha dhaliyey iney hay’adda, iyadoo aysan u diyaarsaneyn ay dedejiyaan qorshahan (airspace upgrade ka).

Waxaa la filayaa 6 January 2022 wixii ka dambeeya in ICAO ay go’aan ka qaadan doonto gabi ahaanba maamulka hawada Soomaaliya.

W/Q: Cabdicasiis Golf