Qorshaha laga leeyahay dalacsiinta uu wado Farmaajo

Muqdisho ( Caasimada Onine) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu si joogto ah u qeybinayaa darajooyinka ugu sareeya Dalka. Saraakiisha waxay sheegayaan inuu yahay hoggaamiyihii ugu badnaa ee bixiya darajooyinka sare ee ciidanka, iyadoo si weyn loo bootinayo Askar dhawaan gal ah, balse u dhago fudud amarada madaxda.

Habka loo xulanayo saraakiisha dalaceysa ayaa sidoo kale si weyn loogu dhaliilay nidaamka Farmaajo. Madaxweynaha waxaa lagu eedeeyey inuu dalacsiinta u fiiriyo dantiisa gaarka ah, balse uusan qiimeyn shaqada uu sarkaalkaas u hayo dalka.

“Wuxuu noqday madaxweynihii ugu badnaa ee darajada Gaashaanle Sare gaarsiiya saraakiil aan waligood hal kaarto oo dagaal aan curin, furin dagaal tagin, aragti Amni curin, oo ciidanka aan muddo badan ku jirin,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ka gadoodsan sida nidaamka Farmaajo ugu xad gudbayo darajooyinka ciidanka Soomaaliya.

Haddaba arrinta miiska saaran waxay tahay, maxaa ka dhallan kara tallaabooyinka madaxweynaha ee dhinaca dalacsiinta aan la waafajineyn nidaamka iyo sharciyada ciidanka?

Saraakiisha aan la hadalnay waxay qabaan seddex arrimod oo waaweyn:

1 – Qiimo dhac darajo

Xubnaha aan la hadalnay waxay leeyihiin, marka aad ogtahay sida been ah ee sarkaalkaan darajada ku qaatay, waxaa kugu adkaaneysa inaad adeecdo oo aad amarkiisa qaadato, waxaa kaloo imaan doonta in aysan askarta juhdi badan ku bixin inay darajo sare helaan, maadaama ay darajada noqotay wax dhib la’aan la iska helo.

Halkaas darajada waa ku qiima beeshay ayey leeyihiin saraakiishu .

2- Niyad jab

Askar badan waxay xoogga saari jireen inay horumar ka gaaraan shaqada ciidanka, waxay soo bandhigi jireen dadaal dheeri ah, hal abuur amni iyo daacadnimo shaqo si ay u dalacaan, laakiin hadda waxay u jeedaan inay darajada sare ku xiran tahay inay madaxda sare raali geliyaan.

Taasi waxay keeneysaa inay askarta ka niyad jabaan dadaalkii shaqada, maadaama aan sidaas lagu siineyn dalacaad.

Waxayna sidoo kale tani saameyn xoog leh ku yeelatay, shaqada amniga Qaranka.

3 – Ku laabasho

Sida madaxweyne Farmaajo u karaamo tiray darajooyinka ciidanka, waxay keeneysaa ayey leeyihiin saraakiishu in laga fakaro xeer sheegaya sida lagu dalici karo ama ay ku imaan karto dalacaadu.

Sidoo kale waxaa qasab noqon doonta in dhammaan dib loogu laabto oo loo qiimeeyo darajooyinkii la bixiyey intii uu Farmaajo joogay xafiiska, maadaama aan lagu saleyn shaqo amni, aqoon ciidanimo ama danta amniga qaranka.

Madaxweyne Farmaajo tan iyo markii uu ka dhammaaday muddo xileedkiisa sharciga ah 8-dii February ee sanadkii lasoo dhaafay, wuxuu dalacsiiyey saraakiil tiro badan, kuwana wuxuu ka qaaday darajooyinkii ciidanimada markii ay danihiisa gaarka ah ka hor yimaadeen.