Daawo: Wararkii u dambeeyay dagaal ka qarxay Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada maamulka HirShabelle iyo kuwa kale oo taabacsan maamulka la magac baxay Hiiraan State ee ku sugan gudaha magaaladaasi.

Dagaalka ayaa billowday saqdii dhexe, waxaana illaa iyo hadda uu ka socdaa agagaarka xerad Lamagalaay ee magaaladaasi, halkaas oo ay isku fara saareen labada ciidan.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in xalay dagaalkan uu saameyn ku yeeshay dadka deegaanka, isla markaana rasaasta gaartay xaafadaha qaar ee Beledweyne.

Inta la xaqoojiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 5 kale oo isugu jiro dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada HirShabelle la’isugu geeyay aagga saldhigga booliska ee magaaladaas, halka kuwa kalena ay joogaan qaybo kamid ah Beledweyne.

Sidoo kale dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa goobaha ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka oo saaka hakad ku jira, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Dhanka kale waxaa haatan billowday dadaallo ay bilaabeen waxgaradka deegaanka oo lagu doonayo in lagu qaboojinayo dagaalka culus ee ka qarxay halkaasi.

Beledweyne ayaa waxaa muddo ka jiray khilaaf dhinaca maamulka ah, kaas oo saameyn ku yeeshay horumarkii gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.