Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka socda duleedka Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka oo haatan ka socda dhanka bari ee duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Sool.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu xoogiisa ka socdo aagga deegaanka Maraaga oo hoos yimaada magaalada Laascaanood oo ay muddo ku dirirayaan labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu maanta uu ka dhashay kadib weerar ay ciidanka Somaliland kusoo qaadeen fariisinm ay leeyihiin kuwa ASC-Khaatumo, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka oo illaa haatan ka socda bariga magaalada Laascaanood.

Milatariga Somaliland ee duulaanka soo qaaday ayaa iska caabin adag kala kulmay ciidamada deegaanka ee SSC ee haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa inay labada dhinac is weydaarsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale madaafiic xoogan ayaa ku hoobaneysa aagga lagu dagaalamayo, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa sidoo kale innoo sheegay in dagaalka uu saameyn ku yeeshay, isla-markaana maqlayaan daryanka hubka culus.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac ee ku diriraya halkaasi.

Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta.