Wararkii ugu dambeeyay DAGAALKII xooganaa ee maanta ka dhacay Boorama

Boorama (Caasimada Online) – Faah-faahino kooban ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo saaka bariga magaalada Boorama ee gobolka Awdal ku dhexmaray labo reerood oo ku muransanaa dhul.

Dagaalkan oo ka dhashay muran dhul-beereed ah ayaa waxa uu saaka waabarigii ka bilowday deegaanka Buuraleyda ee Shaylaha iyo Gumarta Boorama, oo magaalada kaga beegan dhinac bariga.

Dagaalkan oo ka dhex qarxay Reer Nuur iyo Jibriil Yoonis, ayaa socday muddo saacado ah, kaasi oo labada dhinac ay is-weydaarasanayeen hub culus oo kala duwan, sida ay ilo deegaanka ah u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Sidoo kale waxa lagu waramayaa in uu dhaawac soo kala gaadhay labada dhinac, inkasta oo ilaa hadda si rasmiya loo xaqiijin karin inay jirto dhimasho ka dhalatay rasaastaasi iyo hubkii kale ee la isku ridayay saacadaha badan.

Ciidamada Militeriga Somaliland ee ku sugan Boorama, ayaa iyaguna qeyb ka noqday dagaalkaasi, iyada oo saacado badan ay ku qaadatay soo afjarida xiisadaasi dagaal ee maanta ka qaraxday bariga magaalada Boorama.

Xukuumada Somaliland iyo maamulka gobolka Awdal ayaa wax war ah kasoo saarin dagaalkaasi maanta aragagaxa badan ku abuurey bulshada ku dhaqan Boorama ee ka qarxay bariga magaalada.